Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maamulka Somaliand Ayaa Si aad ah uga Carooday Shirkii Madaxda Wadamada IGAD Ee Ka Furmay Magaalada Muqdisho Shalay oo Talaado aheyd. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo Xalay Waqti dambe Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ka hadlay Shirkii Madaxda IGAD ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
“Waxaanu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Soomaaliya, Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah.
“Waxaanu caddaynaynaa inaanan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Siilaanyo.
Figradihiina