Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Siilaanyo oo Dacwad ka Dhan ah Dowlada Somalia u Gudbiyay Itobia

Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Siilaanyo uu dowlada Ethiopia u gudbiyay warqad ka dhan ah DF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in warqadaasi ay ku qoran tahay dacwad uu Madaxweyne Siilaanyo ka qoray Ciidamada ay dhawaan sheegtay DF Somalia ee sida mideysan loogu tababaraayo Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu Madaxweyne Xassan Sheekh sheegay in laga soo kala xuli doono Gobolada dalka.

Siilaanyo ayaa Dowlada Ethiopia uga dacwooday saameynta ay ku yeelan doonaan dhismaha Ciidamadaasi isku dhafka ah, waxa uuna qoraalkiisa ku sheegay in Ciidamadaasi ay duulaan ku yihiin Deegaananada Somaliland.

Waxa uu sidoo kale, qoraalkiisa ku muujiyay in DF Somalia ay damacsan tahay in Deegaanada kala beyra Somaliland iyo Puntland ay u gacan galiso Maamulka Puntland, isagoona taasi ku micneeyay daan daansi Siyaasadeed oo lagu hayo Somaliland.

Dhinaca kale, Siilaanyo ayaa Dowlada Ethiopia ka dalbaday inay wax ka qabato arintaani taagan, maadaama ciidamadaasi ay yihiin kuwo ay tababarayaan Dowladaha Kenya iyo Ethiopia.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply