Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku haya Soomaali Mareykan ka tirsanaa Al-Shabaab

December 8 (Ceegaag)— Sirdoonka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan wiil Soomaali Mareykan ahaa oo muddo todobo sano ka hor ku biiray Al-Shabaab, kana yimid Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Xasan oo loo yaqaano Mujaahid Miski ayaa caan ku ahaa isticmaalka baraha bulshada, waxaa uu ku boorin jiray in weeraro laga geysto Mareykanka.
Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo fariin Email u dirtay Wakaalada wararka ee AP ayaa lagu sheegay in Mujaahid Miski uu isu dhiibay Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya 6-dii bishii November ee bishii hore.
Afhayeenada Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Pooja Jhunjhunwala ayaa xaaqiijisay in wiilkan Soomaaliga Mareykanka uu ku jiro mid ka mid ah Xabsiyada ay gacanta ku heyso Sirdoonka Soomaaliya oo ku yaala Muqdisho.
Wiilkan lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Xasan ayaa ahaa da’da 17 sano markii sanadkii 2008 bishii August uu ku biirayay kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaeda xiriirka la leh.
Xafiiska xeer ilaaliyaha mareykanka ee Minnesota ayaa Xasan horay ugu soo oogay inuu ku lug leeyahay falal argagixiso . Dhanka kale xafiiska FBI-da mareykanka ee Minneapolis ayaa diiday inuu ka hadlo arintan Maxamad Xasan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Miski uu ka tirsanaa Koox dhowaan ku biirtay Daacish, iyadoo Al-Shabaab ay weerartay koox dhowaan sheegay inay la galeen bayco Daacish, waxaana maalmihii la soo dhaafay weeraro ka dhacay Jubada Dhexe iyo Jubada hoose lagu dilay Saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib taageero u ahaa Daacish.
Shalay ayay aheyd markii Nin Mareykan madow ahaa oo ka bar bar dagaalami jiray Al-Shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baraawe, waxaana ninkan uu magaciisa ku sheegay Maalik Abdisalam Jones oo ka soo jeeda Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply