Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ceegaag. Oct 26, 2015 Hargaysa. Siyaasada maamulka Khaatumo ee qunyar socodka ah inbadana colaada cagahooda kaga cararyay ayaa si wayn ugu guulaysatay inay rakaadiyo siyaasadihii maamulada Somaliland iyo Puntland kadib markii ay ku guulaystay in maamul laga yagleelo deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa u muuqda mid dib ugu noqday 1998 halkaa oo jilib jilib loogu kala fadhiyay inta aan maamulkaa la yagleelin, taasoo muujinasa in madaxwayne Gaas uu madaxtooyo ka dhisayo Gaalkacayo isaga oo ka guuray tii Garoowe ka go’ida qaybo kamida gobolka sanaagna ay keentay gooni isutaagii gobolka Bari halka madaxwaynihii hore ee Faroolana uu dib ugu soo guryo noqday Garoowe.
Dhinaca kale Somaliland ayaa u muuqata mid lagu kala cararay iyada oo ay saaka kala dareereen golahii xukuumada maamulkaa, xubnaha shaqada ka tagay ayaa ka cadhooday madaxwayne Siilaanyo oo taageeray musharaxnimadii xisbiga talada haya ee Kulmiye, xubnahaa oo kala ah Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xersi Cali Xasan, Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Axmed Xuseen Caydiid, Wasiir K/Xigeenka arrimaha bulshada, Wasiir K/Xigeenka Degaanka iyo afhayeenkii madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul. Waxaana lafilayaa inay kasoo muuqan doonaan shaashada siyaasada ee caasimada Muqdisho halkaa oo wasiirkii Arimaha dibada ee Hore Maxamed Cabdilahi Cumar uu saaka iska xaadiriyay.
Siayaasada ururka USP ee ay Khaatumo ku tuntuusatay taagidiisa ayaa jilbaha u dhigay maamulkii Garbaha waynaaee Puntland halka ay siyaasadaasi kasoo xaraysay Maamulkii xadhka goosadka ahaa ee Somalinad.
Ceegaag.com
Figradihiina