Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Siyaasiga Cabdullaahi Shiikh Xasan oo manta magaalada Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay ayaa waxa uu si kulul u weeraray hadalo Maalinimadii shalay ka soo yeeray Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddanaa Arrimaha Maamulka jubba land.
Siyaasiga ayaa farta ku fiiqay in Madaxweynuhu uusan u hadlin sidii laga rabay inuu u hadlo Nin Madaxweyne Qaran ah isagoona hoosta ka xarriiqay in Madaxweynhu arrinta Kismaayo uu ku tilmaamay mid aan loo dhamayn.
Cabduulaahi Shiikh Xasan ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ku milmamay Xaaladda Kismaayo isagoo ah Madaxweyne Qaran loona baahnaa in arrintaasi uusan ku deg deign maadaama uu yiri markii horeba Dawladdu waa ay ka gaabisey doorkeedii ku aadanaa.
Siyaasiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in loo baahnaa in madaxweynaha uu ka hadlo Kooxo isku haysta waa siduu hadalka u yiriye maamulka Jubba land hase yeeshee madaxweynaha ayaa iminka ka qayb noqday ayuu yiri arrinta Kismaayo maadaama isagoo Madaxweynihii Qaranka ah ay ka soo yeertay in aan loo dhamayn Shirkii Maamul u samaynta Jubba land.
Waxaan soo dhaweynayaa ayuu yiri Cabdullaahi Shiikh Xasan in Gobol walba uu samaysto maamul Goboleed sida uu qorayo Cahdiga ku meel gaarka ah sidaa darteedna Dawladdu uu doorkeedu yahay in ay dhex dhexadaa u noqoto maamulada maadaama buu yiri dawladdu ay tahay mid Federaal ah.
Si kastaba hadalkan Siyaasiga ayaa imaanaya xilli Maalintii shalay Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh uu si toos ah uga hadlay arrimaha magaalada kismaayo oo uu sheegay in shan Bilood ka hor wixii ay ka digeen in haatan ay soo if baxayaan.
Ceegaag.com
Figradihiina