Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Iyada oo lagu gudajiro hawlaha balaaran ee gurmadka dagdagga ah ee loo fidinayo dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay abaaraha ba’an ee dalkeena ka taagan, SOMALI FACES iyo Jaamacadda Mogadisho waxay 25/4/2017 deeq raashin ah gaarsiiyeen laba boqol oo qoys oo abaarahu ku saameeyeen gobolka galguduud gaara ahaan tuuloyin hoostaga Dagmada guriceel.
Deeqdan la gaarsiiyay ayaa isugu jirtay Sonkor, Bur, saliidda cuntada, caana booro,timir iyo caagada biyaha.
Dadka ka faa’idaystayaasha deeqda ayaa uga mahad celiyay SOMALI FACES iyo Jaamacadda Muqdisho deeqdaan waxayna Allaah ugu baryeen in uu ugu badalo khayr aduun iyi mid aakhiro.
Eng. Abdisatar carabow oo ka tirsan guddiga gurmadka dagdagga ee abaaraha ee jaamacadda muqdisho oo ku hadlay magaca SOMALI FACES iyo jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin kaalmeynta walaalahooda dhibaataysan, intii karaankooda oo aanay marnaba ka hakrandoonin.
Engineer c/sataar carabow ayaa kula dardaarmay dadka soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan iskaalmaysiga, isku naxariisashada, Allaah na wuxuu ka baryay inuu raxmad iyo roob na siiyo.
Gudoomiyaha dagmada guriceel Cabdullahi Maxamed Barre ayaa soo dhaweeyay deeqdan kuna tilmaamay mid dagmada soo gaartay xilli aad loogu baahnaa wuxuu ku amaanay Somali face iyo jaamacadda muqdisho iskaashiga iyo ugurmashada walalahooda somaaliyeed ee ku dhibaatoobay abaaraha dalka ka dhacay Alle ha naga dulgaadee.
hawlihii kaalma qaybintu waxay ku dhamaadeen si nabad ah iyo jawi aad u dagan.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
Figradihiina