Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SOOMAALIYA 7 MADAXWAYNE MA YEELAN KARTO:

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Axmed Cabbey, mar uu la hadlaayay golaha baarlamaanka dalkiisa wuxuu uu weeydiiyay xildhibaanada su’aashaan oo uu yiri:

“Miyaynu ogolaan karna in Maamul Goboleed ka tirsan Ethiopia inuu Somalia tago amar la’aanteena hadana heshiis la soo galo dowlada Soomaaliya? Maya ma aqbali karno. Sidaas si lamid ah maamul ka tirsan Somalia ma samayn karno inaan xiriir toos ah la yeelano isagoo aan dawladda Federalka ah Ogolaansho ka haysan”

Wuxuu kaloo yiri:

Somalia kama jiraan laba dawladood ee waa hal dawlad oo dunidu aqoon santahay, sidaas darteed waa inaynu xoojinaa midnimada SOMALIA innaga oo ixtiraamayna qawaaniinta Caalamiga ah” Xigasho. ETV

Arimaha uu ka hadlay PM Ethopia Dr. Ahmed waa dhab horey u jirtay tasoo wiiqaysay awooda dowladnimadda umadda Soomaaliyeed, Soomaaliya ma yeelan karto 7 Madaxwayne oo midba wuxuu doono sameeyo, sida ku cad dastuurkeena arimaha dibada, difaaca iyo jinsiyada waxaa looga damberynayaa dowladda dheer.

Arimahaan uu ka dhawaajiyay PM Ahmed waxay meesha ka saareeysa is barbar yaacii laga dhexlay burburkii qaranka Soomaaliyeed, waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa Dowlada federaalka Soomaaliyeed siyaasadeeda ku aadan xoojinta qaranimadda umadda Soomaaliyeed.

Xigasho: Sheikhnor Abucar

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply