Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dhisitaanka maamul goboleedka Jubaland waxa uu soo dhaweeyay in shacabka daaroodka dunida firirsan dib ugu guryo noqdaan Soomaaliya, Sida muuqata Muqdisho waxaa hantiyay oo iska yeeshay Beelwaynta Hawiye, Hargaysa waxa yeeshay Beelwaynta Isaaq, waxaa soo hadhay Beelwaynta Daarood oo iyagu Magaalooyinka ay ka degan yihiin Soomaaliya ukala degay Jilibjilib aysana jirin magaalo caasimad u wada noqon karta.
Yagleelida Jubaland oo ay hormood ka yihiin Jilibka Absame Daarood oo badanaa degan Soomaali-Galbeed iyo NFD waxay sahlasaa in ay isku soo dhawaadaan Khaatumo, Maakhir, Puntland, iyo Mareexaanland, Jilibadan Daarood oo siyaasadoodu aad ukala fogaatay badankooduna kabasoo haajiray Dalkakii Hooyo ee Soomaaliya ayaa laga rajo qabaa inay umagaalaystaan dhinacaa iyo Kismaayo oo haatan loo diyaarinayo inay caasimad u noqoto Soomaaliya.
Caasimada Muqdisho ayaana laga rajo qabin inay waayadan dhisanto maadaama ay dadka hantida ku lahaa ka dhago adeegayaan inay dib ugu noqdaan, tasoo dawlada Xasan Sheekh Maxamuud caqabad ku noqotay, sababtan ayaa ah waxa ay dawladu uga soo hor jeedo yagleelida Jubaland.
Balse Beesha Daarood ayaa waxaa haatan ka go’an inay dhiig dhexdooda ku daadiyaan oo ay cagta mariyaan cidii ka hor timaada dhisitaanka Jubaland oo ay dabada ka riixayaan shacabka qurbaawiyiinta beesha Daarood oo aan marnaba laga rajo qabin inay dib ugu guryo noqdaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa.
Ceegaag.com
Figradihiina