Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sufiyiinta Soomaaliya oo jahwareer xaga diinta ah ulasoo banbaxay Shacabka kadib jabkii Argagixisada Al-shabaab

Koox qawlasato ah oo ku hoos gabanasa shaati diimeed ayaa bilaabay inay dadka kaga qadhaabtaan qabashada wax ay ugu yeedheen Xus loo dhigayo dhalashada Nabigaana Maxamed NNKH. Kooxo diimeedyadan ayaa fara ba’an ku haya deegaanadii laga xoreeyay kooxaha Argagixisada Al-shabaab iyaga oo ku qasbaya dadka inay bixiyaan xoolo aysan awoodood u lahayn.

Xusida dhalashada Nabi Maxamed NNKH ayaa ah mid aan sal iyo raad toona ku lahay diinta islaamka ee uu nabigu dadka soo gaadhsiiyay, bale ah Bidco la mala awaalay oo asal ahaan laga soo min guuriyay Cagaariyiintii reer Masar.

Warar xog hoose ah oo nagasoo gaadhaya magaalada Caabudwaaq ayaa sheegaya inay kooxdan Suufiyiinta ahi ay dadka ka qaadanayaan xoolo iyaga oo aanba wax xila iska saarayn maamulka magaaladaa oo ay kooxdani haatan isku balaadhisay.

Culimaa’udiinka Ahlusuna ayaa ah kuwii ay dawlada Itoobiya ku soo hubaysay inay la’dagaalamaan kooxda argagixasada Al-Shabaab, balse haatan u diga rogtay inay baadaan shacabka ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka, iyada oo aan war loo hayn inay aamin sanyihiin ama  taageerada ay u hayaan Dawlada Dhexe ee Soomaaliya oo haatan la tacaalasa inay dalka ku soo celiso nidaamkii iyo kaldanbayntii.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag