Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Suldaankii Beesha Sheekhaal oo Kismayo lagu dilay

Kooxo hubeeysan ayaa goordhawayd magaalada Kismaayo ku dilay AUN Suldaankii Beesha Sheekhaal Suldaan Caamir Cabdi Dhuux.

Kooxahan ayaa la sheegay in suldaanka ay toogteen xilli uu marayay halka loo yaqaan isgoyska balcadka ee xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, waxaana u suurogashay in dilka kadib ay goobta isaga baxsadaan.

Suldaan Caamir ayaa kamid ahaa odoyaasha sida weyn u taageersan maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, wuxuuna qeyb ka ahaa ergadii ku xareysnayd xaruntii Jaamacadda ee ka qeybqaadatay dhismaha maamulka Jubba.

Dilka kadib ayaa waxa goobta gaaray ciidamada ammaanka maamulka Jubba, waxaana mar qura istaagii dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqyada Balcadka iyo Imbultooriyo, oo ku dhow dhow halka uu shilku ka dhacay.

Suldaankan ayaa noqonaya kii 3aad ee lagu dilo magaalada Kismaayo, iyadoo ay xusid mudantahay in 24-ta bishii aynu soo dhaafnay kooxo hubeeysan ay toogasho ku dileen Ugaaskii Beesha Cawramale, waxaana kasii horeeyay ugaaskii Beesha Gilimeys kaasoo isna bishii Agoostoo ee sanadii lasoo dhaafay qarax lagula eegtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply