Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taageero Go’aankii Beesha Mudulood ay ku diideen Nidaamka 4.5

Jaaliyadda Soomaaliyeed Edmonton, Alberta Canada                           Golaha Nabada Midnimada “Somalia We care”.

Ku: Imaamka Beesha Mudulood

Ku: R/W Prof.Cali Maxamed Geedi

Ku: Xildhibaan SalaadCali Jeelle

Ku: Xildhibaan Xuseen Caraale

Ku: Nabadoonada, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka Beesha Mudulood.

Ujeedo: Beesha Mudulood, Soo dhaweyn, Taageero iyo Bogaadin.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Edmonton waxay u direysaa Bogaadin iyo Taageero dhamaan Beesha Mudulood go’aanka ay ku qaateen in Deegaan (DEGMO) uu yahay Hanaanka loo marayo doorashada Barlamaanka Soomaaliya 2016.

Marxalada dalka Soomaaliya marayo, go’aanka Beesha Mudulood waa mid ku qormaaya diwaanka taariikh-da Soomaaliyeed ee Wadanimo, Midnimo iyo Dawladnimodoon leh. Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Mudulood waxay ummada Soomaaliyeed usoo gudbiyeen Go’aan taariikhi ah oo looga hortagayo Nidaamka Qabiilka 4.5.

Nidaamka Qabiilka 4.5, wuxuu horseed u yahay burburinta Dawladnimada Qaranka Soomaaliyeed. Beesha Mudulood waxay cod dheer ugu baaqdey Shacabka Soomaaliyeed in laga midoobo Siyaasadaha abuuraaya, Isku dirka, Colaada iyo dagaalka Sokeeye ee salka u yahay Nidaamka Qabiilka 4.5.

Jaalliyadda Soomaaliyeed Edmonton waxay u soojeedineysaa Shacabka Soomaaliyeed Qurbo-Jooga ah in la taageero Go’aanka Wadaninimadda leh ee Beesha Mudulood kasoo saartay Doorashada Barlamaanka in ay noqoto DEGMO 2016.

Jaalliyadda Soomaaliyeed Edmonton waxay si gaar ah ugu bogaadineysaa hogaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta u hawgalay Go’aankan lagu badbaadinayo Qaranka Soomaaliyeed oo ay Hormoodka ka yihiin, Immaamka Beesha Mudulood, Prof. Cali Maxamed Geedi, Xildhibaan Salaad Cali Jeelle iyo Xildhibaan Xuseen Caraalle.

Goàanka Beesha Mudulood wuxuu tilmaan u yahay dareenka shacabka Soomaaliyeed ee Maqaamka Caasimadda Muqdisho Soomaaliya.

Jaalliyadda Soomaaliyeed Edmonton, Kanada

Golaha nabada Midnimada- “Somalia We Care“

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply