Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taariikh nololeedka taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage Abaanduukaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya waxa uu ku dhashay Degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii waxbarashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxaa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal halka tan Dugsiga Sare uu ku qaatay Magaalada Muqdisho Sanadihii 2002-dii ilaa 2005-tii.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxa uu ku biiray 15-7 Sanadkii 2007-dii isla xiligaasi waxaa tababar ciidan loogu qaaday dalka Uganda oo muddo 1 sano ah, waxaa uu ku bartay shuruucda ciidanka xooga dalka soomaliyeed iyo ilaalinta madaxda dalka (VIP protection course) markii tababarka u soo idlaaday isaga iyo dhalinyaro kale waxaa loo xilsaaray in ay tababaraan ciidan cusub oo dalka uganda loogeyey tabar waxuuna xiligaas qaadaney casharo kale oo dheeraad ah.

Sanadkii 2009kii waxaa loo qaaday tababr layli sargaal oo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Suudaan,Sanadkii 2010-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah waxaa loo furay siminaar 45 cesho ah kaasoo uu ku qaatay dugsiga haama-dhowr ee magaalada muqdisho.

Isla xiligaas saraakiil uu kamid yahay waxaa loo magcaabay taliyayaal,waxas uu noqday taliyaha horin 2 aad ee ciidanka ilaala madaxtooyada muddo ka dibna waxaa uu noqday Abaandule urur inta uu ka tirsanaa guutada 2aad.

Sanadihii 2010-2011-2012 waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay ka xoreynta al shabaab Gobolka Banaadir iyo Gobolada Sh,dhexe iyo Sh,hoose, waxaa uu ku mudteystay in la guddoonsiiyo abaal marino.

Sanadkii 2013-kii waxaa tababar ciidan loogu diray Dalka Turkiga muddo hal sano ah kaasoo uu ku qaatay taqasuska ciidanka lugta iyo luqadaha markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxaa loo dalacsiiyay Darajada Dhamme muddo ka dibna waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle oo uu ku helay abaal marin ku saabsan howlaha ciidanka.

Sanadkii 2014-kii waxaa uu waxbarasho u aaday Dalka Turkiga gaar ahaan Kulliyada Dagaalka (turkish amry war collage) waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay Sanadkii 2016kii waxaana loo magcaabay Taliyaha Horinta 1-aad ee Ururka 60aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Sanadkii 2018 waxaa loo magcaabay Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya waxaana loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Dhexe.

16-08-2018 waxaa loo magacabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply