Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasabadan oo qayb ka ah barnaamijka soo nooleynta Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha oo ka socdey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa tababar dhinaca Farshaxanka loogu furay dhalinyarada ku nool degmadda C/casiis.
Gudoomiyaha Degmadda C/casiis, Mudane Cismaan Muxyadiin Cali, ayaa yir “ Wasiir halkaan waxaa fadhiya afar Iskool waxyaabaha loogu talagalay iney ku tartamaan ama ay muujiyaan waxa weeyaan wax ka tarjumaya Nabadda iyo Isbedelka ka jira Dalka khaasatan Caasimadda waa barnaamij aad u qiimo badan waxeynu ognahay dhawr sano ka hor waxaa lagu tartarmi jiray ma ahan laabis, Jeesto, iyo Mastarad la qaato laguma tartami jirin, marka waa guul”.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf ayaa yiri “Sida Gudoomiyuhu sheegay wax badan baa dagaal iyo dhib iyo qaxar lagu jiray dhallinyarada halkaan fadhida oo wax baraneysa oo yar-yarka ah oo da’aadoodu aanay shan iyo tobanka dhameyn waxaa horseed u ah in loo bilaabo nabaddii iyo wanaaggii sidaad la socotaan Dalkeena waqti badan ayuu colaad ku jiray waa laga qaxay, laakiin waddankii waa loo soo qaxay taas ayaa waxay muujineysaa yididiilo ah in amniga iyo nabadda ay soo noqoneyso”.
Ugu danabyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/llaahi Colaad Rooble oo furay Tababarka ayaa tilmaamayay tababarka muhiimaddiisa waxa uu yiri: “hadaanan la abuurin beertii markii ay weynaato tii bedeli lahayd oo aanan laga fekerin tii kale siidii loo abuuri lahaa dhibaato ayaa imaaneysa kuna imaaneysa bulshada markaa bulshada waxaa laga soo dhisaa hoos, dhallinyarada aadka u da’da yare ee hadda maskaxdoodu wax kasta qabaneysa marka hoos laga soo dhiso waxaan aaminsanahay in wax badan la qaban karo, Tababarkan ma ahan mid gobolka Banaadir ku eg, laakin waxaa la gaarsiin doonaa gobollada dalka oo dhan, si ay shacabka u fahmaan ahmiyadda nabadda ay leedahay”.
Bandhiggaan ayaa waxaa u ka socday Todobaadyadii la soo dhaafay Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo dhallinyarada ka qayb-geleysa ay ku soo bandhigaan Dhaqanka, Farshaxanka iyo Ciyaaraha dalka Soomaaliya.
c/naasir yuusuf
ceegaag- muqdisho
Figradihiina