Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasabad lagu daahfuray tababar kor loogu qaadayo kobcinta iyo kor uqaadida luqada carabiga oo socon doono muddo 2-bilood ah ayaa maanta lagu daahfuray machadka luqadaha ee jaamacadda Muqdisho.
Ugu horayn waxaa kalimad qiimo badan ka jeediyay maamulaha machadka luqadaha Jaamacadda Muqdisho ustaad Cabdiwali Sheekh Maxamed oo u mahad celiyay ardayda barnaamijkan tababarka ah uu u bilaabanayo wuxuuna ku dheeraaday qiimaha ay leeyihiin luuqadaha wuxuuna sheegay in luuqaduhu ay yihiin furaha cilmiga asigoo kula dardaaramay ardayda tababarkaan loo furayo inay waqti ku bixiyaan kana faaídaystaan.
Ustaad cali Daahir Maxamed, masúul kasocday Jaamacadda Muqdisho qaybta akaadeemiyada ayaa sheegay in ardaydaan 80-ka arday laga soo xulay 9-ka kuliyadood oo ay ka koobantahay Jaamacadda Muqdisho wuxuuna ku booriyay ardayda inay xil iska saaraan inay fursadaan kafaaídaystan laguna bixin doono shahaado caddaynaysa inuu soo qaatay tababarkaan kor loogu qaadayo luuqadda carabiga.
Mid kamid ah macalimiinta Jaamacadda Muqdisho ahna macalimiinta loo xulay inay ardaydaan layliyaan Dr. Shidde Cali Kabe ayaa sheegay in barashada luqada carabiga ay tahay shay muhiim ah isagoo tusaale usoo qaatay in dalka Soomaali uu kamid yahay Jaamacadda Carabta iyo waliba ururka Islaamka dhamaantoodna looga hadlo luqada carabiga.
Mid kamid ah quburada Soomaaliyeed Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqhi ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay fursad qaali ah mudanna in laga faaídaysto wuxuuna halkaas ka cadeeyay in luuqada carabiga aan wadamo badan oo carab ah kaga fiican nahay taasna waxay ku suurta gashay marka ugu horaysa waa shacbiga Soomaaliyeed lagu soo tarbiyeeyay ilaa xiligii dugsi Qur’aanka.
Gebagebadii waxii kalimadii Jaamacadda ku hadlay mid kamid ah masúuliyiinta Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) isagoo umahad celiyay machadka luqadaha Jaamacadda Muqdisho iyo kuliyada Aadaabta (Arts) maamulkeeda iyo macalimiinteeda.
“luuqadda carabigu waxay inoo leedahay muhiimad gooni ah sababtoo ah waa luqada uu Quráanka Kariimka uu ku qoran yahay.”| sidaasna waxaa yiri Dr. Liibaan.
Inta aad ku dhawdahay luqada carabiga waxaad siwanaagsan u baranaysaa fahamka Islaamka saxda ah, waxaa kaloo sii raaciyay in luuqadda oo labarta ay tahay furaha cilmiga.
Wuxuuna ardayda kula dardaaramay inay kafaaídaystaan fursadaan qaaliga ah wuxuuna halkaa ka cadeeyay Dr. Liibaan in tababarkaan uu furan yahay wuxuuna kusoo idlaaday jawi qurux badan.
Figradihiina