Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 11Muqdisho(Ceegaag)–Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay kulan ku saabsan Tabarka Farshaxanka Qalinka oo si gaar ah loo barayo Ardayda Dugsiyada Sare,waxana ka soo qeybgalay Xildhibano,Gudoomiyaha Akadimiyada AGA,Gudoomiyaha naasidiga Hal- abuurka Qalinmaalka soomaaliyeed (Somali Pen) Rug cadayaal Saxaafadeed,Ardayda ka socotay Dugsiyada Sare ee Muqdisho iyo Marti sharaf kale oo si gaar ah loo casuumay.
Tababarkaan ayaa ugu horeyn waxa Furay Gudoomiyaha Koonfurta iyo Bartamaha Somliya ee Somali Pen C/naasir Yuusuf Macalin Ganey,waxa uu sheegay”Tababarkaan waa Mid lagu xoojinayo Tayaynta Hal abuurka ku Qoran Afka hooyo,waana mid si gaar ah Ardayda Dugsiyadaa Sare loogu talagalay, in la baro Ardayda Tababar Xirfadeedka Farshaxanka oo muhiim u ah Da’yarta,Tababarkan waa mid socondoono si loo nooleeyo Afka Somaliga”ayuu yiri Gudoomiye C/naasir.
Maxamed Daahir Afrax Gudoomiyaha Akadimiyeed Goboleedka Afka Somaliga ee (AGA) oo tabarka ka bixiyey Cashiro Muhiim u ah dhowrista Ereyada Afka Somaliga ayaa sheegay”Marka hore waxaa u mahadcelinayaa dhaammaan ka soo qeybgalayaasha,Waxaa rabnaa in aan kobcino Halabuurka dhalinyarada iyo Hab curinta si loo helo Dhalin badan oo si sax ah wax u qori kara,Akaadeemiyeed Goboleedka Afsomaliga ee AGA waana Mirihii ka soo baxay Somali Pen oo jirtay 20 Sano,waxa ayna u taagantahay Ilaalinta iyo Dhowridda Afka Hooyo” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.
Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah Rugcadaa Saxaafadeed kana mid ah Makhaawiirta Akaadeemiyeed Goboleedka Afsomaliga ee AGA oo ka hadlay kulanka aya sheegay”Kulankan waxa uu muhiim u yahay Nooleynta Afka Somaliga,Madaxda dalka waxa ay shirarka u adeegsadaan Luuqad shishiyee,Madaxweynaha 21-Janaayo Xuskii Maalinta Afka Hooyo waxa uu sheegay in dhammaan xafiisyada Dowladda loo adeegsado Qoraalka Afka Somaliga,laakiin waxaa weli iska socda in Luuqaddaha shisheeye la isticmaalo,Erey Bixinta Afka dhib weyn ayaa laga soo maray laakiin hadda woo sii dabar go’ayaa,Afka in la xoojiyo Madaxda Booliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka dhabeeyey Shuruud ayaa dhammaan askarta loogu dhisay in ay wax qori karan waxna aqrin karaa,waxaa soo dhaweenayaa Barnamijkaan lagu xoojinayo Afka” ayuu Yiri Mr.Goobdoon.
Maryan Cariif Khaasim oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Somaliya oo ka hadashay tababarkaan ayaa si kooban ugu hadashay Qiimaha uu leeyahay wax qorista iyo Hal abuurka,waxa ay sheegtay” Dastuurka Dalka ee Qabyada ah Nuqulkiisa Rasmiga ah waxa uu ku qoran yahay Luuqadda Englishka, Waxaa loo fasiray Luuqaadda Somaliga,waxaa soo baxay Erayo badan oo is diidan,Maadaama Luqadda sharciga ay u baahantahay Fahan,taasi waxa ay keentay in Hal eray loo badalay dhowr micno waana tan keentay in aan isku howlo Khaamuus kala xadeenayo Erayd,waad aragtaan in luuqaddii ay sii dhamaaneyso,waan soo dhaweynayaa dayarta Curisk Jecel”ayee Tiri Maryan Cariif Khaasim.
Tababarkaan oo ay ka soo qeybgaleen arday kakala socotay Dusiyada sare ayaa soo bandhigay aqoon isweydaarsi,waxa ayna ka faa’iideeysteen Erayo badan oo muhiim u ah xoojinta hal abuurkooda.
Figradihiina