Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tababbar-xirfadeed ay Akadeemiye Goboleed-ka AfSoomaaligu u Faa’iideysey Dhallinyarada Muqdisho

“HABEYNTA QORAALKA  AFKA SOOMAALIGA”:

Tababbar-xirfadeed ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu u Faa’iideysey Dhallinyarada Muqdisho

Tababbar-xirfadeed ku saabsan qurxinta qoraalka AfSoomaaliga ayaa  7-dii bisha labaad 2018 waxaa Magaalada Muqdisho loogu qabtay dhallinyarada jecel ama ku hawllan qoraalka iyo aqriska afka hooyo.

Tababbarkaas oo si qurux badan loo soo agaasimay waxaa qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), waxaana ka qaybgalay tiro ku dhow lixdan dhallinyaro ah oo isugu jirey Wiilal iyo Gabdho.

Furitaankii munaasabadda hadal uu ka jeediyay Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ku bilaabay soo dhaweyn ka qaybgalayaasha iyo hambalyo uu ku bogaadiyey Naadiga Hilin-hayaan dadaalka weyn ee ay ku jiraan iyo sida qaayaha leh ee ay uga soo qaybgaleen tababbarka iyagoo muujiyey xiise badan oo ay u hayaan aqoon-kororsiga, afkooda hooyo iyo qoraalkiisa .

“Tababbarkani wuxuu furitaan u yahay taxane tababbarro sannadkan 2018 u qorshaysan inay hirgaliso Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu, dhallinyarada loogu talagalayna waxaa hormuud ka ah naadiyada akhriska iyo qoraalka oo uu safka hore kaga jiro Hilin-hayaan” ayuu yiri Dr. Afrax oo intaasi ku darey  tababbarrada noocaan ah in ay ka shidaal qaadanayaan hal-ku-dhegga AGA oo ah “Hadafkayagu waa hiilka Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa”.

Guddoomiyuha AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay himilada AGA in ay tahay kobcinta aqoonta da’yarta Soomaaliyeed u leeyihiin afkooda hooyo iyo hal-abuurkiisa dhihid iyo dhigaalba, ama ku hadal iyo qoridba, maxaa yeelay dhallinyaradu waa kuwa mustaqbalka leh ayna tahay in ay masuuliyadda koowaad iska saaraan ilaalinta iyo horumarinta afkooda hooyo iyo dhaqanka ummadda, waana iyaga cidda loo tababbarayo in ay la wareegaan akadeemiyadan iyo hoggaaminteeda, sida uu carrabka ku adkeeyey Dr. Afrax.

Isla furitaankii munaasabadda, Gudoomiyaha Naadiga Hillin-Hayaan C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  Akadeemiye-Goboleedka uga mahad celiyey tababbarkaas ay u qabatay dhalinyarada Naadigiisa, Wuxuuna  si diirran akadeemiyada iyo hoggaamiyeheeda, Prof, Afrax uga mahadceliyey guud ahaan waxqabadka badan ee u adeegaya afka hooyo iyo gaar ahaan tababbarradii hore loo siiyey iyo taageeradii  ay isla barbar taageen Naadiga Hilin-hayaan iyo da’yarta danaysa akhriska iyo qoraalka, isagoo ballan qaaday inay doorkooda ka qaadan doonaan  daryeelka  Afka Soomaaliga iyo qoraalkiisa.

Furitaankii munasabadaasi ka dib waxaa halkaasi ka bilowday casharro ay bixinayeen Macalimiiin ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, kuwaasi oo kala ahaa Prof. Mustafa C/laahi Feyrus iyo C/laahi Sheikh Cabdi (Gacanka),  duruustaas oo aad loola dhacay ayaa ku kala saabsanaa Dalaynta ama astaamaynta Qoraalka iyo Habeynta Hadalka.

Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii tababbarkaasi oo ka qayb-qaatay falceliskii tabbbarka ayaa sheegay isku wada raacay inay si weyn uga faa’iidaysteen aqoontii ay halkaasi ku qaateen, waxaana  ay codsadeen in tababbarrada noocaan oo kale ah la  joogteeyo lana wada gaarsiiyo intii la kari karo.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  oo u taagan ilaalinta iyo daryeelka  afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa ayaa horey u soo qabatey tababbaro badan oo lagu kala qabtay Magaalooyin iyo   Gobollo ka mid ah dhulalka ay Soomaalidu degto.

Cabdinaasir Yuusuf Macalim

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply