Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 25- (Ceegaag)- Taliyaha ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa ilmeeyay xilli uu ku sugnaa xerada Martiini ee magaalada Muqdisho xilligaasi oo uu kormeerayay qeybaha ay ka kooban tahay xeradaasi.
Jan. Maxamed Aadan Axmed ayaa ilmeeyay kaddib markii ay cabasho u gudbiyeen askartii halkaasi ku jirtay oo u badnaa kuwo ku dhaawacmay dagaalkii 1977-kii ay Soomaaliya la gashay Dowladda Itoobiya.
“Ciidamadii xornimada dalka u soo halgamay halkaan kagama saarayo” ayuu yiri Taliyaha ciidamada XDS oo sheegay inay taageerayaan ciidamada ku dhaawacmay difaaca dalka.
Dhinaca kale taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa maanta deeq raashin u qeybiyay 500-qof oo ka mid ah naafada ku jirta xerada isbitaalka Martiini
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina