Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Talo soo jeedin Hiigsiga 2016

Talo soo jeedin Hiigsiga 2016

September 3 (Ceegaag) Dhaqaaqa Bulshada Rayidka( Civil Society in Action) waa dalladda ay ku bahoobeen qeybaha kale duwan ee bulshada rayidka sida dalladaha haweenka.kuwa waxbarashada, xuquuqo insaanka, dhalinyarada, hogaan dhaqameedka, ururada saxaafada madax banaan, xirfadleyda. ururada baahida gaar leh iyo culumada Soomaaliyeed
Dhaqaaqa BR wuxuu ku baahsan yahay gobollada dalka, wuxuu ka qaybqaadaa nabadeynta, daryeelka bulshada, u ololeynta dhowrista xuquuqo insaanka,horumarinta adeegyada bulshada,dowlad wanaag.
Dowladda Federaalka waxaa la dhisay 20kii Agoosto,2012.
Howlihii ugu waa weynaa ee loo idmaday inay hiigsato mudada ay xilka hayso ee 4 sano, waxaa ka mid ahaa
1. Xasilinta dalka
2. Dib u heshisiinta
3. Dhameystirka hanaanka Dimogradiyeyinta dalka
4. Dhameystirka dastuurka dalka
5. Gaarsiinta doorasho xor ah hal qof iyo hal cod
Xaaladda Cusub ee Dalka
28tii July,2015, barlaamanka iyo xukumada waxay ku dhawaaqeen inaysan suragal ahayn doorasha hal qof iyo hal cod la qabto 2016 ,arimo siyaasadeed iyo xaaladdo nabadgelyada awgeed.
Isla markiiba waxaa imanaya su’aalahaan.
Habka soo xulida xubnaha barlaamanka ma waxaa loo mara habkii 2012 ee awood u siinta hogaan-dhaqameeyada?
Mise waxaa loo baahan yahay in helo hanaan cusub ee ka duwan kaas,horseedi karana deganaasho siyaasadeed?
Dhaqdhaaqa bulshada rayidka(CSA) Waxay shir balaaran iskugu yimideen 13 Agosto,2015, si ay uga arinsataan geedi socodka siyaasadeed ee hada taaga.uguna talo bixin lahayeen sidii loo heli lahaa hanaan cusub.
Dood iyo falaqeyn dheer qun-dhigeedu u aha nidaamka ugu haboon ee doorasho ugu dhici karta Soomaaliya iyadoo laga cashar qaadanayo qaladaadii ka dhacay hanaankii,2012.
Talo soo jeedin
Dhaqaaqa bulshada rayidka (CSA) waxay doonaysaa inay u dhacdo doorashada 2016 sidaan:
Dhaqaaqa bulshada waxay talo ku soo jeedinaysaa in dooorashada 2016 inay u dhacdo sidaan:
1. In la casumo ergo soomaaliyeed oo gaareysa 50050 ergo.Tiradaas oo ka timid 275 xildhibaan loo qeybiyey oo la mid ah 182 ergo
2. Xildhibaanada cusub waxaa soo dooranayaa hogaamiyaasha dhaqanka iyo bulshada reerka sida nabdoonada,Culumada diinka,aqonyahanada,Haweenka iyo ganacsatada.
3. Halkii xildhibaan waxaa dooranaya 182 ergo oo reerkiisa
4. 50 xubnood oo ka mid ah ergada guud waxaa lagu amaalmarinayaa dadkii waxtarka u ahaa ummadda Soomaaliyeed mudaddi dowlada la’aanta.
5.Qaybta xildhibaanada haweenka ee baarlamaanka waxaan soo jeedinaynaa in la siiyo haweenka 30% laguna qoraa dastuurka qaranka
6. Waxaa talo ahaan soo jeedinaynaa qaab-dhiska dowladeed ee cusub noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen si looga foogaado is-qab-qabsiga siyaasadeed.
7. Madaxweynaha & kuxigeenkiisa waxaa soo dooranaya eragada guud.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply