Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka hadlay hanaanka iminka ay usugaan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ammaanka Caasimada Muqdisho, isaga oo dhaliil kala dul dhacay qaabka sugidda amniga Muqdisho.
Tarsan wuxuu sheegay inaysan wax badan soo kordhineyn in bedel la sameeyo, balse loo baahan yahay in Saraakiisha jooga Xarumaha Saldhigyada inay gartaan Masuuliyada
Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, ayaa cadeeyay in ciidamada ku sugan Saldhigyada Booliiska Gobalka Banaadir inaysan haysan rasaas, gaadiid iyo qoryo, oo iyaga qudhooda xitaa aysan isdifaaci karin, iskabadaa inay wax difaacaan.
Qorshaha amniga ee Madaxweynaha uu ku dhawaaqay ayuu sheegay Tarsan inuusan jirin hal Wasiir oo la fahansan, taasina aysan suuragal aheyn in ammaanka lagu sugo, isaga oo intaasi hadalkiisa raaciyay in habeenkii Magaalada Muqdisho la isdaba dhigo kudhawaad 40 gaari oo ciidan iyo qoryo ay ka buuxaan, wuxuuse su’aal dul dhigay in habeenkii Al-Shabaab ay buuxaan laamiyada oo la baadigoobayo.
“Walaahi waxaan ku dhaaranayaa Qodobada lixda ah ee Madaxweynaha udegsan inuusan jirin Wasiir la fahansan, habeenkii ayaa waxaa la isdaba dhigaa 40-baabuur habeenkii ma Shabaabaa jidadka taagan markaasaa TV-ga la iska duubayaa oo la leeyahay na daawo inaan habeenkii socono”Ayuu yiri Tarsan Duqii hore ee Muqdisho oo la hadlay Idaacada BBC-da.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Muqdisho lagu iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan.
Wuxuu sheegay in Bambooyinka iyo Qoryaha waaweyn lagu iibiyo caasimada gudaheeda, isaga oo intaasi warkiisa raaciyay in ciidamo badan oo kuwa aan Dowladda aheyn ay dhexbuuxaan Magaalada Muqdisho oo hub culus wata.
Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Saldhiga Degmada Dayniile ay joogaan ciidan gaaraya 30-askari oo qaarkood aan hubaysneyn, aysana macquul aheyn inay sugaan ammaanka Muqdisho.
Tarsan waxaad mooddaa in uu xaqiiqda ka abaaray, marxalada dhabta ah ee ka jirta Caasimada.
Ceegaag.com
Figradihiina