Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tartanka ku saabsan suugaanta iyo dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasiirka ku-xigeenka Wasaarada ayaa ka qeyb galay tartan lagu soo bandhigay heeso cayaaro, gabay iyo suugaan kale waxaana loo qabtay afar kooxood, waxa uuna tartankani qayb ka yahay soo nooleynata Hidaha, Dhaqanka iyo Farshaxanka oo maalmahanba ka soconayey magaalada Muqdisho.
Tartanka ayaa waxaa ku loolamayay Afar kooxood oo kala ah Banaadir Band, Faynuus Band, Bariga Banaadir Band iyo Ifiye Band, kuwaaso ku tartamayey Heesaha, cayaaraha hidaha iyo dhaqan iyo suugaan kale.
Kooxda Bariga Banaadir Band ayaa kaalinta kowaad ka gashashay tartanka, iyadoo wadarta dhibca ay la yimaadeen noqotay 60 dhibcood, kaalinta Labaadna waxaa helay Kooxda Faynuus Band oo ku heshay 49 dhibcood, kaalinta Seddexaad Kooxda Banaadir Band 46 dhibcood iyo Kooxda Ifiye Band oo gashay kaalinta Afraad oo uruursatay 44 dhibcood, sida ay ku dhawaaqeen guddiga garsoorka tartanka oo uu hogaaminaayay Abwaan ilkajiir.
Wasiir ku-xigeen Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo hadal ka jeediyey gebagebadii tartanka ayaa sheegay in Soomaalida ay leedahay dhaqan ay ku xalin jirtay wixii khilaaf ah ee dhex mara.
“Barnaamijka waxaa rabnaa inaan ku dhiiri gelino nabadgelyada ka jirta Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, inta badan Soomaalida ka hadleyso Nabadda waxay aad uga fikirtaa ciidan hubeysan, hub sita baabuura gaashaaman wata in nabadda lagu keeno, laakiin Wasaaradda Warfaafintu waxay qaadatay door kaas ka duwan oo ah 80% in ummaddaan lagu nabadeyn karo oo nabadeedu ku imaan karto soo noolaynta dhaqankeeda suuban ee soo jireenka ahaa, in dib loogu celiyo Soomaalidu waxay dhaqan u lahayd waxay xeer u lahayd markey dagaalamaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ugu hambalyeey dhallinyarada ka soo qayb gashay Tartanka niyada wanaaaga ay muujiyeen intii uu socday tartanka.
“Dhaqanku inuu yahay ama noqon karo fure keena nabad, xasilooni iyo wadajir inuu dhaqanku noqon karo, Soomaalidu dhaqan bay lahaan jirtay, isaga ayey ku xalin jirtay wixii soo kala dhexgala dhaqankeeda ayey ku xalin jirtay, wixii ay isku qabsadaan dhaqankeeda ayey wax ku qaybsan jireen, geed hoostiisa ayey wax ku qaybsan jirtay markaa dhaqanku waxaa weeye fure keeni kara inay Soomaalidu ka soo kabato burburkii gaaray oo ku midowdo oo ku walaalowdo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Tartankan ayaa qayb ka ah Barnaamijka soo noleynta Dhaqanka, Farshaxanka iyo Cayaaraha oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho kaas looga danleeyahay isdhaxgalka dhallinyarada iyo xoojinta Nabadgelyada.

c/naasir yuusuf macalin
ceegaag muqdisha soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply