Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 6 (Ceegaag)— Duqii hore ee Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa ku dhaliilay laamaha ammaanka dowladda inay dayaceen amniga Caasimada, isagoo xusay in sidii horay amniga ahaa uu hada aad uga sii hooseeyo.
Mr Tarsan oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in magaalada ay ku soo kordheen qaraxyada, isla markaana Hotelada qaar ee magaalada ku yaall dhowr jeer la weeraray.
“Waa nasiib darro Amniga halka uu ahaa hada aad ayuu uga hooseeyaa, amnigiina waxaa moodaa inuu hoos buu u sii socdo, qaraxyo is daba joog ah ayaa magaaladan ka dhacaya, hotelada qaar kiiba labo jeer saddex jeer lagu soo noqda, waxaa muuqata in wax sirdoon ah uusan jirin”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii hore Muqdisho Tarsan.
Tarsan ayaa sheegay in haatan aanay jirin ciidan iska soo horjeeda, balse la rabo in xooga la saaro war-doonka, isagoo xusay in waxyaabaha dowladda ragaadiyay ay qeyb ka tahay jagooyinka qabiilka lagu qeybsanayo ee 4.5 sida uu yiri.
“Waxyaabaha ragaadiyay hab u socodka dowladda waxaa ka mid ah jagooyinka qabiilka la isku siinayo, sanad gudihiis ayaa Jeneraal lagu noqonaa”ayuu yiri Tarsan oo intaa ku daray in Ciidamada dowladda aanay helin wax xuquuq ah.
Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada ka dhaceen qaraxyo.
Ceegaag.com
Figradihiina