Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tirada dadkii ku dhintay Wiishkii ku soo dumay Masaajidka Xaramka oo sii korortay

September 12 (Ceegaag)— Tirada dadkii Muslimiinta ahaa ee ku dhintay Wiishkii ku dumay Masaajidka Xaramka ee magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarammah ayaa gaartay 107-ruux, iyadoo dhaawacana uu caga cageynayo 230.
Wiishkan ayaa ku soo go’ay saqafka sare ee dhismaha Masaajidka Xaramka, isla markaana uu gudaha u soo galay, xilli kumanaan Muslimiin Xujeyda ka mid ahaa cibaadeysanayeen.
Madaxa Hey’adda Difaaca Madaniga ayaa sheegay in roobab xoogan iyo dabeylo is watay uu sababay in Wiishka uu soo dumo.
Masaajidka Xaramka ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlo dhismo ah oo lagu ballaarinayay, hase ahaatee xilliyada oo kale marka ay soo dhow dahay acmaasha Xajka ayaa gebi ahaanba la hakiyaa dhismayaasha ka socda Xaramka.
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in meydadka dadkii ku shahiiday shilkaas Firintijeero la gelinayo, si eheladooda u aqoonsadaan ama hadii ay ka maqan yihiin u helaan, sidoo kale dhaawacyada ayaa la dhigay Isbitaalada caafimaadka.
Magaalada barakeysan ee Makkah ayaa waxaa ku qul qulaya boqolaal kun oo Muslimiin ah, kuwaasoo ka kala imaanaya caalamka daafihiisa, si ay u gutaan acmaasha Xajka ee sanadkan.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply