Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 11 (Ceegaag)— Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, kadib qaraxyadii shalay gil gilay magaalada Caasimadda ah ee Ankara, kaasoo lala beegsaday dad dhigayay banaan bax nabadeed.
Tirada dadkii ku dhintay qaraxyada ayaa korortay, waxaana ay gaartay illaa boqol ruux sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labada qarax oo midkood ahaa is qarxin illaa 245 ruux oo 48 ka mid ah ay dhaawacoodu yahay mid culus.
Dowladda ayaa ku tilmaamtay qaraxyadaas inay yihiin ficil argagixiso ah, waxaana ay ka gaabsatay inay mas’uuliyada qaraxaas ay dusha uga tuurto koox.
Hase ahaatee waxaa laga yaabaa in qaraxyadan ay ka dambeeyeen Kooxda PKK ama Daacish oo dowladda Turkiga ay dagaal kula jirto labadaba, inkastoo aanay wali cidna sheegan.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, isagoo uga tacsiyadeeyay qaraxaas una muujiyay murugada uu shaqsiyan la dareemayo dadkii ku dhintay weerarkaas.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa ku dhoweyd xarunta Tareenada laga raaco ee magaalada Ankara, waxaana muuqaalada Telefishinada soo gudbiyeen ay ahaayeen kuwo argagax lahaa.
Waxaa soo dhow oola sugayaa bias nofembar 1 doorasho intabadan dadka siyaasadaha falanqeeya waxay ku tilmaameen in xisbiga talada haaya uu ku soo bixi doono sabab too ah waxaa la ogaaday inay yihiin niman dalka uwada ama umaamulaya meelwanaagsan.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina