Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Turkiga oo Soomaaliya ka dhisanaaya Saldhig Milatari oo aad u weyn.

Madaxa wasaarada arrimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soomalaiya Emel Tekin ayaa sheegay in dowladeedu ay Saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqdisho kaa oo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo ay Xukuumada Ankara ka hirgalinayso gudaha Soomaaliya saldhig Military, waxayna tani qeyb ka tahay heshiis horay u dhaxmaray dowladaha Turkiga iyo Soomalaiya.
Saldhigan military ayaa fududeyn doona tababarada milatry ee qaarada Afrika, iyadoo waaxda daafaca baarlamaanka Turkiga 9-kii bishii tagtay qalink ku duugay heshiis military oo ay wada saxiixdeen wasiirada daafaca Turkiga iyo Soomaaliya.
Wasaarada Gaanshaadhiga Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay Dugsi military ay ka hirgalinayso Muqdisho kaa oo ujeedkiisu yahay in wax lagu baro saaraakiisha dowlada Somaaliya, iyadoo Lacag lagu qiyaasay 400$ million inuu Turkigu ku qarash gareeyay dowlada Sooomaaliya ,sida laga soo xigta wasarada arimaha dibada Turkiga.
Tekin waxay walaac ka muujisay mar ay booqatay Soomaaliya inay soo aragtay askar xiran labis ciidan oo kala duwan taasna loo baahan yahay in laga soo gudbo, dowlada Turkiguna waxay ka caawinaysaa arintaas Soomaaliya.
Dhanka kale xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara ayuu xiriirkoodu wanaagsanaa tan iyo sanadkii 2011 markaa oo uu Turkigu uu noqday wadanka Kaliya ee Soomaalida usoo gurmaday xiligii abaarta ba’ani ay dalka ka dhacday.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply