Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ugaas Cumar Xiireey oo ah afhayeenka odoyaasha dhaqanka Jubbooyinka isla markaana qeyb ka ahaa wada-hadallo lagu xallinayay shaqaaqo dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shaqaaqadaas xal laga gaaray.
Ugaas Cumar Xiireey oo u waramay saxaafada ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanku ay maalmihii u danbeeyay u fadhiyeen shirar lagu xalinayo khilaafaadkii u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan maamulka laguna guuleystay in xal laga gaaro.
“Wadahadallo ayaa socday maalmahan oo lagu xalinayay arimahaas, hada intii badnayd xal ayaa laga gaaray, waxaana la go’aamiyay in ciidamo yar oo magaalada ka baxay lasoo celiyo, arintaasina hada meel fiican ayay mareeysaa,” ayuu ugaasku hadalkiisii raaciyay.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Jubba ay gudaha magaalada Kismaayo israsaaseyn ku dhexmartay maleyshiyaad careeysan, taasoo sababtay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina