Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ugaas cusub oo lagu caleemosaaray Kismaayo [DAAWO]

Xaflad si heersare loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeybgaleen, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, Ugaasyo, Nabadoonno, Aqoonyahanno, Haween iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana ka dhacday Hotel Sahalkuwey ee magaalada Kismaayo ayaa lagu caleemosaaray ugaaska cusub ee Beesha Bahgari Ugaas Khaliif Sheekh Cali.

 

Xafladii caleemosaarka ugaaska ayaa waxa khudbado kala duwan ka jeediyay waxgaradkii lagu casuumay, waxayna dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyeen ugaaska cusub ee la caleemosaaray, iyadoo Alle uga rajeeyay in uu la garab galo xilka loo dhiibay.

Ugaaskan cusub oo hore uga uga mid ahaa ooh ore uga mid ahaan odoyaasha dhaqan deegaanadan,  ayaa ah nin siweyn looga yaqaanno Jubooyinka  islamarkaana leh taariikh dhanka nabad-raadinta iyo dib u heshiisiinta beelaha.

Ugaas Khaliif Sheekh Cali oo gabagabadii xafladda khudbad jeediyay ayaa ka codsaday salaadiintii iyo waxgaradkii kasoo qeybgalay kulanka in ay la shaqeeyaan, isagoo ballan qaaday in uu ka shaqeeyn doono danta umadda Soomaaliyeed.

“Suldaanimo qabiil uma ihi, Soomaali baan u ahay ama suldaan bini’aadam ayan ahay, wiilkeyga haduu wax dulmayo dhinac ayaan ka marayaa,” ayuu ugaasku hadalkiisii raaciyay.

Gunaanudkii munaasibadda ayaa waxa goobta lagu caleemosaaray ugaaska cusub, ayadoo dadkii goobta joogayna ay ugaaska kusoo dhaweeyeen sacab iyo mashxarad.

Ceegaag Online 

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply