Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July 22 (Ceegaag)— Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay booqashada maalinta jimcaha uu ku imaanayo dalka Kenya Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay dadka Kenyanka inay soo dhoweeyaan Madaxweyne Obama, waxaana uu sheegay in uusarn kala hadli doonin arrinta ku saabsan dadka isku jinsiga ee isu galmooda.
Madaxweyne Kenyatta oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in kulanka uu la yeelanayo Madaxweynaha Mareykanka uu kala qeyb geli doono Madaxweyne kuxigeenkiisa William Ruto.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo dhanka xuqquuda aadanaha oo ay ka wada hadli doonaan
Madaxweyne Obama oo uu aabihii ka soo jeedo Kenya ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa shir looga hadlayo Ganacsiga caalamka.
Dhinaca kale diyaar garow ballaaran ayaa ka socda magaalada Nairobi oo ku aadan soo dhoweynta Madaxweynaha Kenya, waxaana ammaankiisa ka qeyb qaadan doona ciidamo fara badan.
Illaa shan diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ayuu adeegsan doonaa Madaxweyne Obama oo safarkiisa ay ku wehlinayaan qoyskiisa, waxaana ay booqan doonaan deegaankii uu ku dhashay aabihii.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina