Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 27 (Ceegaag)— Urur ay ku mideysan yihiin Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee qaabilsan Indhaha ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabad shalay dhacday lagu doortay Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xoghaye, kuwaasoo hogaan u noqon doona Ururkan.
Munaasabada doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah, waxaana xilka Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Indhaha Soomaaliyeed loo doortay Dr, C/samad Xasan Haye, halka kuxigeen looga dhigay Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Dr Shiine), waxaana Xoghayaha joogtada Ururka loo doortay Dr Xalaal.
Waxaa munaasabadan lagu aas aasay ururka dhaqaatiirta Indhaha Soomaaliyeed ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo horay u ololeyn jiray in la sameeyo Urur ay ku mideysan yihiin Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Indhaha qaabilsan, ayaa xusay in wixii hada ka dambeeya Ururkan uu bulshada u qaban doono adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin, gaar ahaa dadka indhaha ka xanuunsanaya.
Dr C/samad Xassan haye oo ah gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Indhaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in ujeedada aas aaska ururka dhakhaatiirta Indhaha Soomaaliyeed in la wajaho dhibka ay ku heyso indha la’aanta iyo arag yarida Soomaaliya oo la ogyahay xitaa gobolada dalka inaaney jirin caafimaad qaab sax ah oo dhanka indhaha dadka ka xanuunsanaaya, isagoo sidoo kale sheegay iney ku guuleysteen sanidihii la soo dhaafay wada shaqeyn ka dhaxeysay iyaga iyo dadkii ay la shaqeynaayeen,
Waxaa uu ballan qaaday inay sameyn doono mudada uu xilka haayo siminaaro kor loogu qaadaayo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dhanka indhaha, si ay u noqdaan dad takhasus wanaagsan u leh waxa ay sameynayaan, isagoo hadalkiisa sii raaciyay inay beegsan doonaan dhamaan meelaha indha la’aanta laga soo sheegaayo.
Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka ururka dhakhaatiirta soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Maxamuud (Dr Shiine) ayaa tilmaamay in dadka indha la’aanta ee ku sugan Soomaaliya ay gaarayaan 140,000 oo qof, waxaana sanad waliba ku soo biira in ka badan 14,000 oo qof oo cusub, isagoo intaa ku sii daray in dadaalada hadda la wado aysan dabooli karin baahida caafimaad qab ee ka jirta dadka indhaha ka xanuunsanaya.
Ceegaag.com
Figradihiina