Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka NUSOJ oo cambaareeyey Falkii ay Puntland ku xireen Weriye Jaamac Deberani.

November 21(Ceegaag)–War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyey Tallabadda ay Boliska Puntland ay ku xireen Weriye Jaamac Yuusuf Jamaac “Deberaani” oo u shaqeeya Telefishinka Somali Channel.
“ Xarigaasi waxa uu muujinayaa falalka soo noqnoqday ee ka dhanka ah Madax-banaanida Saxaafadda iyo Xorriyadda Hadalka ee Puntland” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Boliska Saldhiga Dhexe ee magaalladda Garowe u yeereen Weriye Jamaac Deperani, kadibna ay xireen markii uu u yimid, iyagoo aan haysanin Amar Maxkameed.
Ururka NUSOJ waxay sheegeen inay garab taagan yihiin Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ee cambaaraynta falka lagu xiray Weriyahaasi, waxaana Maamulka Puntland loogu baaqay inay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan Weriyahaasi, loona oggolaado inuu Hawlihiisa Saxaafadeed sii ambaqaado.
Bishan November 10-da ayey ahayd, markii ay Wasaaradda Warfaaafinta Puntland ay mamnuucday Hawlihii Warbaahineed ee uu Weriye Jaamac Deperani ka hayey gudaha Puntland, gaar ahaan Barnaamijka “Deperani Show” ee uu ka baahiyo telefishinka Somali Channel
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply