Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka Sahal oo xaflad soo dhowayn ah u sameeyey wasiirkii hore Dastuurka DFK Mudane Abdirahman Hosh Jibriil

London UK : Ururka Sahal ayaa asagoo kaashanaaya qaar ka mid jaaliyada Puntland waxuu xaflad si wayn loo soo agaasimay magalaada London ugu qabtay wasiirkii hore Dastuurka DFK Dr Abdirahman Hosh Jibril. Ujeedada xafladu waxay ahayd in Av.Abdirahman Hosh Jibriil looga mahadceliyo hawshii qiimaha iyo sharafta badnayd ee ka qabtay isku dubaridka iyo dastuurka dawlada Fadaraalka Soomaaliya iyo meelmarinta Tubta nabada Soomaaliya (Somalia Road Map). Waxaa Xaflada marti sharaf ahaan loogu casuumay oo si wayn xaflada uga soo qaybgalay jaaliyada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo Av. Abdirahman Hosh Jibriil uu kasoo jeedo. Sidoo kale waxaa xaflada kasoo qaybgalay aqoonyahano, odayaal dhaqameed iyo dadwayne farabadan oo ka socday guud ahaan gobolada Soomaaliya.

Av. Abdirahman Hosh Jibriil ayaa xaflada kasoo jeediyey warbixin guud oo aad u qiimo badan waxuuna sawir guud ah ka bixiyey marxaladihii ay soo martay marxaladihii ay soo martay Tubta nabada Soomaaliya (Somalia Road Map) iyo samaynta dastuurka lagu soo dhisay dawlada fadaraaliga ah ee Soomaaliya. Av. Abdirahman Hosh Jibriil waxuu sidoo kale ka hadlay arimaha fadaraalka Soomaaliya iyo waxyaalaha looga baahan yahay in jaaliyada dibadu looga baahan inay dawlada gacan ka gaystaan horumarinta dadka iyo dalkoodii hooyo. Qaar ka mid ah dadwaynihii shirka kasoo qaybgalay ayaa Av. Abdirahman Hosh Jibriil waydiiyey su’aalo kala duwan si aad u hufan ayuuna uga jawaabay su’aalaha la waydiiyey.

Xubnihii ka hadlay xaflada waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ururka Sahal, Xirsi Muuse Xirsi, Maxamed Cali Madhoodhe, Cabdideeq Shire, Dr. Cabdiraxmaan Cunaaye, Cumar Dheeman, Muna Diyaana, Cabdi Xuraashow iyo Cabdulqaasim Mohamed Xasan (Dhegowayn). Ugu danbayntii xafladu waxay kusoo dhammaatay si habsamid iyo hufnaan ah.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag