Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubooyinka ee magaciisa loo soo gaabiyo JIJA ayaa xaflad isugu jirtay isbarasho iyo soo dhaweyn u sameeyay wasiirka cusub ee warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane Ibraahim Xassan Cabdi.
Munaasibaddan soo dhaweynta iyo isbarashada ayaa waxa kasoo qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, odoyaal, haween, aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ku dhaqan Jubooyinka.
Goobta ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Jubooyinka Khadar Max’uud Xareed, kaasoo sheegay in xafladdan ay tahay mid soo dhaweyn iyo isbarasho wasiirka cusub ee warfaafinta iyo bahda saxaafadda Jubooyinka, wuxuuna sheegay in suxufiyiinta Jubooyinka ay ku midoobay ururkan JIJA oo la aasaasay sanadii 2004, isagoo dhinaca kale dhaliil u jeediyay hay’adaha caalamiga ah ee dhanka saxaafadda.
“Waxaa la yaab leh in suxufiyiinta ka howlgasha magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa, bil kasta waxa ka dhaca tababarro, wariyeyaasha ku dhaqan goobahaasi waxa ay helaan tababarro iyo aqoon kororosi oo ay siiyaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba, maxaa ku dhacay oo ay xuquuqdoodii u heli la’yihiin suxufiyiinta ka howlgasha Jubooyinka oo mideysan lehna urur.
Sidoo kale goobta ayaa waxaa ka hadlay Madaxa tababarrada ururka JIJA Aadan Max’ed Salaad (Aadan Kismaayo), kaasoo amaan u jeediyay madaxda maamulka Jubba, gaar ahaan afhayeenka maamulka C/naasir Seeraar Maax oo uu xusay in mudo dheer uu lasoo shaqeynayay bahda saxaafadda Jubooyinka.
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo madasha ka hadlay ayaa amaan u jeediyay bahda saxaafadda Jubooyinka oo uu xusay in ay ku shaqeeyaan marlaxad aad u adag, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Gabagabadii ayaa waxaa goobta ka hadlay wasiirka warfaafinta maamulka Jubba Ibraahim Hassan Abdi kaasoo bogaadiyay bahda saxaafadda Jubooyinka eek u mideysan JIJA, wuxuuna ballan qaaday in uu la shaqeyn doono ururka.
DAAWO SAWIRADA
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina