Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Dowlada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Tuur Yare ayaa sheegay in Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Waalidiin dhalay Dhalinyaro lagu helay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.
Mr Tuur yare ayaa xusay in Laamaha amaanka ay aqbaleen dalabkooda ku aadan hadii ay qabtaan dhalinyaro katirsan Al-Shabaab in ay lasoo xiraan waalidiintooda maadama ay qariyeen caruurtooda dambiyo ku hoolanaa.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegay in hada ay xira yihiin waalidiin dhalay Dhalinyaro Shabaabnimo lagu helay kuwaa uu tilmaamay in dhawaan Maxkamada ay xukuno ku ridi doonto.
Waa dhamaaay in lasoo xiro dhagar qabe katirsan Al-Shabaab iyada oona lala soo xirin waalidkooda , Waaliiinta waan u sheegnay in ay caruurtooda kala soo baxaan Al-Shabaab ama ay laamaha amaanka kusoo wargaliyaan in caruurtooda ay Shabaab yihiin ayna maaro u aayeen ‘ hada waxaa xiran oo xukun sugaya waaliiin dhalay Dhalinyaro Shabaab katirsan oo lala soo xiray Caruurtooda oo dambyo lagu hayo‘’ ayuu yiri Mr Tuur yare.
Hadalka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida ayaa imaanaya xili ay dhawaan Maxkamada ugu baaqday waaliiinta dhalay dhalinyarada Shabaabka katirsan in ay kooxdaasi kasoo saaraan ama ay kuso wargaliyaan laamaha amaanka in caruurtooa ay Shabaab katirsan yihiin.
Ceegaag Online
Figradihiina