Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wacdarihii Xafladii Khaatumo Toronto iyo Qudbadii Pro. Nimco Maxamed Cali(Daawo)

  •  

    Cafisfis iyo Caafiaad
    Imisaa xajka tagtay?
    Maxaad dareemi lahayd hadii markaad cagaha dhigto Maka,
    laguu diido inaad xajiso oo dib laguu soo celiyo?
    ka waran hadii aadan diyaarad qaadan, oo aad maalmo badan, baadiye, biyo la’aan iyo
    cunto la’aan, iyo cabsi cadow in lagu dilo aad ku sii lugayso, oo markaad maka tagto dib laguu
    soo celiyo oo laguu diido inaad magaaladaba gasho?
    Waxaan rabaa in sheeko gaaban oo aan ka soo xigtay su’aalahan, lagana yaabo
    badankiinu inaad hore u maqasheen aan idin xusuusiyo:
    Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa riyooday nabimaxamed s.a..w, wuxuu ku yiri
    asaxaabta:“ waxaan ku riyooday inaga oo si nabad ah u galney kacbada, oo aan soo xajiney”
    Ka dibna asaxaabadii waxay go’aan sadeen in ay soo xajiyaan maadaama nabigu uu ku
    riyooday.
    Laakiin waxay qabeen cabsi xaga qurayshta ah, waayo qurayshi Maka ayay ka soo
    qaxisay muslimiinta, Dhowr iyo toban sano ka dib na, madiina ayeey duuleen ku soo qaadeen si
    ay u ciribtirtaan muslimiinta. Iskuna dayeen in ay dhamaan qabiilooyinka arabia ka
    dhaadhicaayan in ay dabar gooyaan muslimiinta. Intaas oo dagaal iyo colaad ah oo jirta ayay
    hadana xaj u soo qalab qaateen.
    markay mudo lugaynayeen, oo usoo dhawaadeen Maka ayay maqleen in ay Quraysh ku jirto
    difaac ay doonayaan in ay ku laayan muslimiinta. Inkasta oo muslimiinta tiradoodu ay ahay ilaa
    1400 oo qof, hadana taasi waxay galisay murugo hor leh, waayo may wadan wax hub dagaal ah
    oo waxay xiraayeen dharkii hajka.
    Aniga oo sheekada soo gaabinaya, arimo badan oo dhacay daraadeed, Maka duleed keeda
    ayay Quraysh ugu timid nabiga a.s.w ka dibna hashiis la saxiixatay.
    ? Waa maalintii muslimiinta iyaga oo ah 1400 qof, loo diiday inay xaj gutaan oo dib loo
    celiyey.
    ? Waa maalintii ay qurash ku qasabtay in qofkii Muslima oo maka ka soo carara dib
    loogu soo celiyo, iyada oo la ogaa in ay qofka la celiyo ay dilayaan ama xidhayaan.
    ? Waa maalintii ay qurash ku qasabtay in uu nabigi uusan waraaqda hashiis ka ku qori
    Karin in uu yahay nabi, oo uu ku qoro maxamed cabdilaahi.

  • Markii heshiis kii la saxiisay, oo nin muslin ahaa oo markaa soo cararey, oo waliba
    dhaawac ahaa, isaga oo ooyaya dib loo celiyey
    Ka dibna nabigu s.a.w yiri
    “ ma xajinayno ina keena aan dib ugu lugayno madiina e”
    Dadkii is hayn waayey, ee muraara dilaacay, waxaa ka mid ahaa cumar oo yidhi
    Omar: “ miyaadan ahayn nabigii ilaahay”
    Omar: “ miyaynaan xaqa ku taagnanyn, cadowgeenuna aysan dulmi ku taagnayn”
    Omar: “ hadaba ma aha in diinteena nalagu duleeyo”
    Ka dibna wuxuu nabigu ugu jawaabay:
    ” waxaan ahay nabi ilaahay oo xaq ah, waligayna ilaahay ma khilaafin, ilaahay ayaana na
    caawin doona”
    omar intaa kuma qancine wuxuu raaciyey, sow kumaad riyoon in aan kacbada si nabad ah ku
    gelidoono?
    Ka dibna wuxuu nabigu a.s.w. ugu jawaabay: ” laakin kumaan oran sanadkan, ee waxaan
    idiin sheegay inaan si nabad ah ku xajiyi doono”.
    Ka dib na ilaahay ayaa soo dajiyey ayaadaha quraanka ah surada 48, oo cadaynaya in
    ay maalintaasi ahayd maalintii ay u soo hoyatay nabiga a.s.w guushi ugu waynayd.
    Sheekadan waxaa laga qaadanayaa casharo fara badan, laakin waxaan doonayaa inaan diirada
    ku ifiyo guusha ugu wayn, waayo muslimiintu markaa umay muuqan inay guulesyteen, way
    niyad jabeen, way xanaaqsanaayeen, way calool xumaadeen, raalina kamay ahayn in ay dib u
    noqdaan iyaga oo aan gudan xajkii ay u soo safreen, ama dad soo muslimay gaalo gacanteed dib
    loogu celiyo.
    Guushu maxay tahay marka? Maalintaa waxay muslimiintu ku guulayteen in ay
    ? macruuf ka ilaaliyeen si uusan khilaaf badan u dhicin
    ? hanteen cadhadoodi si uusan cadowgu uga faaiidaysan, iyaguna u kala daadan.
    ? Muujiyeen dulqaad iyo cafis si uusan dab uga hurin I yaga dhexdooda.
    ? Cumar u hadlay si cad isaga oo cabirya daareenkiisa, nabiguna wuu dhagaysatay, una
    jawaabay.
    Hadith Ibn Cumar laga wariyey, in Nabigu (s.a.w) yiri : in Hogaamiyaha la maqlo, lana adeeco
    waa waajib saran qofkasta oo muslim ah xataa hadaadan markaa go’aanka hogaamiyaha raali
    aadan ka ahayn. (Al-Bukhari & Muslim)
  • Hadaba guushi ugu waynayd ee muslimiintu ma ahayn markay Maka furteen ama qabsadeen
    dhulal fara badan, ee waxay ahayd markay si dhab ah qalbiga, niyada iyo maskaxdaba ka
    midoobeen.
    Hada side ugu guulaysan karaa hiigsiga August 2016?
    waxaa laga yaabaa in qaakeen is yidhaahdaan waqti ma jiro, 8 bilood kaliya ayaa ka
    haray dib u dhiska dowlad cusub.
    Waxaa idin xusuusinayaa, hadith Anas ibn malika laga wariyey, oo micnihiisa guud uu
    odhanayo, “Haddii saacaddii ugu dambaysay ee qiyaamuhu timaado, adiga oo midho
    abuuraya, ha joojin ee abuur”
    Waxaa inooga haray august 2016, 8 bilood. 8 daa bilood 3 ilaa 4 ka mida waa bilaha
    xurmada leh. Bilahaas oo ay diin ahaan mamnuuc tahay in la dagaalamo colaad kasta oo jirta.
    Marka aynu kaga faaiidaysano bilahan qaad no olole nabadayn dhamaan shacbiga soomaaliyeed
    meelkastaba ha joogee.
    Ilaahay Ummad Xaalkeeda ma bedelo, Hadaaney Naftooda wax ka bedelin. Is bedel kasta
    oo nololeed oo aan raadineyno waa inaan inagu biloownaa. Qof walba haduu is bedel sameeyo,
    waxaa is bedelaya bulshada, ka dibna bulshadu waxay badali kartaa maamulka iyo hogaanka,
    taas oo badali karta xaalada wadanka.
    Dadka qaar waxay ku doodaan in aysan waxba suurtoobayn ilaa la helo dib u hashiisin
    iyo in la is cafiyo. “ina mal acmaalu biniyaat, wa ina maa kuli imri maa nawaa”
    Maadaama camal waliba uu ku xidhan yahay niyada, hadii aan biloow no ollele deg deg
    ah oo nabad raadin ah guusha koowaad waa ajar ilaahay agtii aan ka heli doonaa, shuuga
    labaadna waxay noqon kartaa guul soomali midaysa, hadii ay nabad raadin taasi saamayn
    wanaagsan ku yeelato shaqsi ilaa wadankana.
    Sida aan dhamaanteen ognahay lama koobi karo dhibaatooyinka aan isu gaysanay hadaan
    soomaali nahay, ama wadanka u gaysanay, nabadayn hada bilaabatayna laguma dawayn karo
    dhamaan boogaha jira laakin waxaan aamin sanahay, inaan nabadaynta ku salaym karo cafis iyo
    caafimaad wixii hore u dhacay. Dibna aynu u dhigano wixii ku saabsan wax yaalaha hada la
    isku hayso, ee ay ka mid yihiin khayraadka wadanka, xuduudaha,magaalooyinka iyo gobolada
    la isku khilaafsan yahay, oo ay noqoto talaabada danbe ee nabadaynta.
    Marka walaalayaal yaynaan quusanin. Maanta ayaa loo baahan yahay geesiga
    geesinimadiisa, raga raganimadooda, aftahanka guubaabadiisa, waayeelka xigmadiisa,
    dhalinyarada xoogooda, wadaadka wacdigiisa, askariga difaaciisa si aan qarankii soomaaliyeed
    dib ugu soo celino.
  • Waxaan hadalkayga ku soo gabo gabaynayaa
    Sida aan la socono dhamaanteen wax barashadu waa furaha nolosha, waxay na tilmaan u tahay
    sida laga rabo iney noqdaan jiilka soo koroya iyo Caruurta la doonayo iney bari la wareegaan
    xilalka kala duwan ee dalka, iyo in ay caruurtaasi beri isku filaadaan haday tahay xaga nolosha,
    wax soo saarka, siyaasada, iyo kobcin ta dhaqaalaha wadanka. Dhalinyaradu markay waydo
    waxbrasho waxay fadhiyaan suuqyada iyaga oo qayilsan, ama qori wata, gabdhihiina iyaga oo
    wali caruura ayay iska guur sadaan in alaale iyo kii ay wax moodaan, ama kuwaa qayilsan ee
    qriga wata ayaa xooga.
    Inkasta oo ay khaatumo soo kordhisay horumar hada wali a dabooli karto heer kii waxbarasho
    ee goboladaasi u baahnaayeen. Waa masuuliyad saraan maxadwaynaha federaalka Somalia iyo
    dhamaan baarlamaanka in ay u danqadaan caruurta iyo dhalinyada soomaaliyeed eek u
    waxbarasho la’a dhamaan wadan gaar ahaan gobolada sool’ sanaag iyo cayn.
    Waxaa waxbarasho la’aanta ka sii daran aaahida Caafimaadka eek a jirta goboladaa
    sabata oo ah qofku haduu Caafimad helo ayuu buu wax qabsan karaa. Maamulka khaatumo
    horimarkiisu wuxuu aad u caawiyey in graoon dyaaradeed la furo oo ay diyaarado soo
    dagaan.Tusaale hooyaday oo aan la hadlayey wiigi dhowayd Ayaan maqlay inaan xanuun
    sanayso waxaan ku idhi hooyo waa in laguu qaadaa meelaha dhakhtarka loo aado si laguu soo
    baadho, iyada oo dhoola cadaynaysa ayay tri hooyo jidadkii baa naloo dhisay, aroboorkiina
    diyaaraduhu waa ka soo dagaan, oo iminka dhaqaatiir ajanabiya baa timaada howdka bishii labo
    guur ugu yaraan, marka aniga oo aan safar dheergalin Ayaan heli dhaqtarka aan u baahanahay.
    Sida ku xusan Taariikh da gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn waxay la dagaalameen
    gumeysigii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Boqortooyadii Xabashida si ay u raadiyaan xoriyad iyo
    midnimo soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in iminkana ay u taagan yihiin midaynta iyo la
    shaqaynta dhamaan umada soomaaliyeed iyo u hogaansanka dastuurka u yaala umada
    soomaaliyeed.
    Waxaan markhaati u baahnayn in ay khaatumo ay kor u soo qaaay amniga,
    waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta magaalooyinka ay ka taliso. Laakin waxaa
    shacabkaasi wali tabayaa in qaybta maqan ay tahay qabtii ay xaqa ugu lahaa yeen ee ay ka
    sugayeen in ay buuxiso dowlada federalka ee soomaaliya.
    Waxaa muuqata in Dowlada federaalka Somalia ay wado dadaal muhiim ah oo ay kula
    shaqaynayso dowlad goboleedyadii jiray, kuna aqoonsatay maamul goboleedyada cusub sida
    GALMUDUG oo ah gobol iyo badh.
    Sanad kii hada dhamaaday wuxuu madaxwaynaha federaalka ee soomaaliya Mudane
    Hasan shariif hadaladiisi ka mid ahaa
    “ Cidwalba ha loo geeyo xukunka, oo ha loogu geeyo gurigeeda, ha is xukuno ayadu,
    kuwa wax xukumaya ayadu ha doorato, yaan loo magacaabin, yaan dusha looga keenin,
    wiilka iyo gabadha ayagu ay garanayaan ha doorteen, oo ha soo xusheen, oo kooda ugu
  • amaanada badan, oo ugu dhiiran, oo ugu geesinimda badan, oo ugu aqoon yahansan, oo
    ugu waayo aragsan, ha la yimaadeen”
    Waxaan leenhay Mudane madaxwayne shacabka reer Khaatumo waxay iska soo
    doorteeen, halyeey, ugu amaana badan oo aan iyaga mushahaaro u soo doonan, ugu dhiiiran oo
    gurigiisii nabada iyo raaxada ahaa geed hoosti ka doortay, ug aqoon yahansan oo gaadhay heer
    ka ugu sareeya ee laga gaadho waxbarasho maadi ah, ugu waayo aragsan oo la soo
    macaamalooday maamulo kala duwan, ku noolaaday wadamo kala duwan, khibradiisana aan la
    soo koobi Karin, waalid ah oo waxbaradhada iyo caafimaadka dhalinyarada iyo caruurta
    dareemaya, doonayana in wax walba uu nabad iyo dagaal la’aan ku dhameeyo, kana dhashay oo
    garanaya dhulka iyo dadka uu u talinayo taariikhdoodada iyo hiigsigooda.
    Mudane madaxwayne shacabka reer khaatumo wayka soo baxeen waajibkoodii
    oo intay geed hoostii fadhiisteen ayay sidii soomaali lagu yaqaanay u wada tashadeen
    ayay doorteen Dr.Cali Khaliif Galaydh, iminkana wali diyaar u yihiin wadatashi iyo
    wadashaqayn.
    marka su’aashu waxay tahay, Dowlada federaalka ee soomaaliya
    maxay ka damacday –
    mustaqbalka shacabka soomaaliyeed ee ku nool Sool, Sanaag iyo Cayn?
    Horumarkooda iyo dib u dhacoodu miyuusan ahayn mid somaliyeed?
    Cafis iyo Caafiaad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply