Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGAYSO:- Wafdi ka Socda Qaramada Midowbe oo Maanta Kismaayo Soo Gaaray iyo Kulamo ay la qaateen Madaxda Maamulka Jubba (SAAWO SAWIRRADA)

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay islamarkaana ay hogaamineeysay ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mrs. Fatiha Saruur ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kulan la qaatay madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubba.

Wafdigan ayaa waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamulka Jubba oo uu hogaaminayay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyadoo ay kulanka qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo islamarkaana ay dibad joog ka ahayd saxaafadda ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay Madaxweeyne kuxigeenka Jubba iyo Fatiha Saruur.

Madaxweeyne kuxigeenka oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ay ka wada hadleena rimo ay kamid yihiin arimaha nabadgelyada, dib-uheshiisiinta, dhaqaalaha iyo weliba arimaha bulshada, qodobadaas oo uu xusay in dhamaantood ay isku afgarteen.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in labada dhinac ay isla qaateen in la qabto wejigii labaad ee shirkii dib u heshiisiinta 21-ka bisha September ee fooda nagu soo heeyso, isagoo sheegay in arintaasi ay ahayd mid shacabka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka ay ka dhursugayeen.

Kuxigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Fatiha Saruur oo iyana goobta ka hadashaya ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in madaxda maamulka Jubba ay isku afgarteen dhamaan qodobadii ay ka wada haleen, oo ay xustay in ay ugu muhiimsanayd arinta dib u heshiisiinta, iyadoo sheegtay in 21-ka bisha September la qaban doono shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka.

Mudooyinkiib u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo soo gaarayay wufuud kala duwan oo ka socotay beesha Caalamka, kuwaasoo wada dadaallo la doonayo in deegaanada Jubooyinka looga hirgeliyo nabad iyo weliba dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha walaalaha ah ee wada dega Jubooyinka.

HALKAN KA DHAGAYSO

 

DAAWO SAWIRRADA:

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply