Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 13 (Ceegaag)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaaro oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo xildhibaano ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.
Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Kismaayo ka qeyb galaya shirka madasha wada tashiga qaran aaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay soo dhoweynta garoonka diyaaradaha ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yimaado markii ugu horeysay magaalada Kismaayo islamarkaana hada ay xubinta ugu muhiimsan ee wafdiga imaanaya waxaana uu xusay in u jeeddada uu u yimid ay tahay ka qeybgalka Shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016 dalka ka dhacaya oo dhowaan ka furmi doona magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isna dhankiisa ka hadlay goobta ayaa ka mahad celiyey sida quruxda badneyd ee lasoo dhaweeyey wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo in shirka madasha wadatashiga qaran ee ka furmi doona Kismaayo ay kasoo baxaan qodobbo dhaxal gal u ah umadda Soomaaliyeed kaasi oo loogu magac dari doono go’aankii Kismaayo.
Maalinta berri ayaa waxaa la filayaa in Kismaayo uu ka furmo shirka madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016, iyadoo la filayo in la isla garto nooc doorasho oo dalka ka dhacda Agosta kadib.
Ceegaag.com
Figradihiina