Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo gaaray Baydhabo

Maarso 15 (Ceegaag)— Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Ujeedada safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la xiriirta shirar wacyi gelin ah oo ay u qabanayaan qeybaha bulshada iyo maamulka Koofur Galbeed, kaasoo ku aadan dib u eegista dastuurka.
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen ayaa sheegay in shirkan uu qeyb ka yahay shirar dhowr ah oo lagu qaban doono dhamaan xarumaha maamul goboleedyada.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shacabka ku nool gobolada dalka ay u bandhigayaan dastuurka, isla markaana ay kala hadlayaan sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa.
Shirarkan looga hadlayo dib u eegista Dastuurka ayaa socon doona 14-17 bishan, waxaana aragtida iyo fikradaha la isku dhaafsan doono ay noqon doonaan kuwo la uruurinayo, isla markaana la soo bandhigayo.
Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan daah furay shir ku saabsan dib u eegista Dastuurka, iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho ay gaareen Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply