Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadha madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegaya in wafdigii wasiirada ahaa ay maanta shir la qaateen golaha wasiirada maamulka Jubaland.Kulankan dhexmaray labada dhinac ayaa diiradu lagu saaray qorshaha u dajisan maamulka Jubaland ee ku aadan shirka dib u heshiisiinta ee 21/09/2014 ka dhici doona magaalada Kismaayo.
Golaha wasiirada Jubaland ayaa shirkii ka sheegay inay jiraan gudiyo diyaariyeen kuwaas oo djinacyo kala duwan laga qabtay.
Wasiirada ka socda Dowlada Federaalka ayaa maalinta Bari ah la kulmi doona gudiyada kala duwan ee loogu talagalay inay daadihiyaan shirka dib uheshiisiinta.
Wasiirada ka socda DFS ayaad moodaa inay xooga saarayaan arimaha shirka dib uheshiinta mana jiro mowduuc kale oo ay kala hadleen maamulka Jubalan.
Wixii warar ah oo kasoo kordha kala soco Ceegaag Online
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina