Wakiilada Xisbiga TAYO ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo Yeeshay Shirkoodii 1aad ee Sanadkan 2014
March 30, 2014
Warsaxaafadeed:
Shirka Xisbiga TAYO oo maanta ka dhacay aalada Isgaadhsiinta Telefoonada waxaa ka soo qaybgalay madaxyada faracyada Xisbiga ee Yurub sida Norway, Netherland, UK, Sweden. iyo, Waqooyiga Ameerika: Boston – MA, Ohio, Seattle -WA, Minnesota, Tennessee, iyo Canada. Shirka waxaa lagu gorfeeyay sidii loo dardar galin lahaa Xisbiga loona abaabuli lahaa tageerada shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.
Ugu danbayn xubnuhu waxay balan qaadeen inay laba jibaaraan hawlaha Xisbiga TAYO maadaama uu dalku galay wakhti xasaasi ah loona baahan yahay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed lawada badbaadiyo lana soo gaadhay wakhtigii loo wada istaagi lahaa hawshaas.
Xisbiga TAYO wuxuu diyaar u yahay isku xidhka bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dib u soo calinta sharaftooda qarannimo.
Xoghayaha Warfaafinta KM
Eng. Xuseen Fiin
Figradihiina