Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waqooyiga Mudug Warbixin Xiisaleh

Ergada ka socota Waqooyiga Gobolka Mudug ee Puntland ee ka qeybgalaya Shirka ka soconaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa ku gacanseeray in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin go’aanka Dowladda ay ku sheegtay in Galgaduud iyo Koofurta Mudug loo sameynayo Maamulka Gobolada dhexe.

Suldaan Madoobe Aw Jaamac oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay inay khilaafsan yihiin wararka hawada leysu marinaayo, waxa uuna carabka ku dhuftay in Mudug aysan kala go’in.

Waxa uu suldaanku sheegay in ka odayaal ahaan aysan u hugaansami doonin warka kasoo baxay Garoowe oo lagu sheegay in Ergada Waqooyiga Mudug aysan ka qeybgali karin Shirka Cadaado.

Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay ka runsheegto xaalada dhabta ah ee lagu xaqiijin karo jiritaanka dalka, waxa uuna ka digay in shaqsiyaad gaar ah lagu raali galiyo masiirka umadda Soomaaliyeed.

”Adeer Jubbaland iyo Koofur galbeed maamul ayay sameysteen anaguna xaq baan u leenahay inaan maamul helno”

Waxa ay sheegeen in Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland ay ka hadleen maslaxadooda gaarka ah, taasina aysan waxba ka khuseyn.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada Somalia ugu baaqay inaysan u kala eexan Gobolada dalka iyo Beelaha ku nool islamarkaana ay ku hagto waxa uu qabo sharciga dalka

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply