Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka amniga qaranka ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhowayd iska casilay jagadiisa.
Cabdikariin Xuseen oo ay saaxiibbo dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is-casilay kaddib markii xaaladda ammaanka ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay sii xumaatay tan iyo markii uu xilka qabtay.
Cabdikariin ayaa is-casilaaddiisa ka sheegay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya.
Is-casilaaddiisa ayaa timid saacado kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan cutubka ismiidaamiyeyaasha Al-Shabaab ay weerareen xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya xilli xildhibaannada ay halkaasi ku lahaayeen kulan.
Muddadii 20-ka bilood ee uu Cabdikariin Guuleed xilka hayay, kooxda Al-Shabaab waxay weerartay dhismeyaasha maxkamadaha, safaaradda Turkiga, xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho, xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo baarlamaanka.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina