Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
War goor dhwayd naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada Puntland lagu dilay magaalada Muqdisho.
Rag hubaysan oo aan haybtooda weli la aqoonsan ayaa lasoo sheegayaa inay xildhibaanka Toogasho ku dileen.
Aadan Xaaji Xuseeen Ismaaciil ayaa Muqdisho u joogay Howlo Caafimaad oo u qaaday qof ehelkiisa ah.
Dilka xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo loo yaqaanay Aadan Waal ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Mudqdisho ka dib markii ragga hubaysan ay rasaas ku fureen gaari uu la socday.
Ciidamada Boliska ayaana ku daba jira dadkii dilkaa ka dambeeyay.
Ceegaag.com
Figradihiina