Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa maantay dhamaanba adeegyada Isgaarsiinta magaalada la jaray, lamana garanayo ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa in hawada laga saaro Isgaarsiinta.
Maalmihii ugu dambeeyay magaalada waxaa ku soo badanayay Miinooyinka ay aasayaan Maleeshiyaadka kooxda falaagada ah ee Shabaab iyo kooxdii Mucaaradka ahayd ee dhowaan Kismaayo laga saaray kuwaasoo ka soo horjeeda nidaamka ka hana qaaday magaalada Kismaayo ee Jubbaland, ayadoo Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay fashilinayeen Miinooyinkaasi la aasay.
Haddaba warar aan wali la xaqiijinin ayaa sheegaya in isgaarsiinta magaalada loo jaray sababa la xariira Ciidamada oo Miinooyin magaalada ka baaraya.
Kismayo-Somalia
Figradihiina