Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraury 9(Ceegaag)–Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somaliya ayaa Gudoonka Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Xildhibaano gaaraya 54 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ay ku eedeeyeen in uu marar badan jabiyey Dastuurka dalka u yaala.
Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in uu Gacanta ku haayo Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo ay soo Gudbiyeen Xildhibaanada,waxa uuna intaas ku daray in maalmaha soo socda la horkeeni doono Baarlamaanka Mooshinkaas.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo kamid ah Xildhibaanada saxiixey Mooshinkan ayaa sheegay in Madaxweynuhu jebiyey Dastuurka una gefey Xasaanadda Xildhibaanada Soomaaliyeed.
Ma’ahan markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Somaliya laga keeno Mooshin ka dhan ah,waxaana mararbadan dib la laaley Mooshin ku wajahnaa Madaxweynaha.
Lamagaranayo mooshinkaan waxa uu ku danbeyndoono marka lagaaro xilliyadan kala guurka ah waxaa bilowda mooshino kalagedisan oo dhaqaalo badan laguhello.
Ceegaag.com
Figradihiina