Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 20(Ceegaag)—Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali ayaa isaga baxay shirka ka furmay shalay magaalada Muqdisho kaasoo ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dowlada federalka. maamul goboleedyada dalka ka jira iyo wufuud caalami ah.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay in sababaha ugu waaweyn ee uu ugaga baxay shirka ay tahay in uu galo wadahadalo dib u heshiin ah iyo welibao isagoo diidan maamulka Galmudug oo ka qeybgalay shirka.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in dib uu ugu soo laabto madaxweyne Gaas shirka waxana cadaadis xoog leh saaraya beesha caalamka maamulka Puntland oo ka biyo diidsan qaabka ay wax u socdaan maadaama maamulka Puntland.
Shirkaan oo furmay maalintii shalay ahayd ayaa waxaa looga hadlay arrimaha wada tashiga dowladda iyo maamul gobaleedyada iyo sidii looga bixi 2016-ka, waxaana lagu wadaa in lagu dhisi shirkaa gole wadatashi qaran.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina