Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WAR-MURTIYEED AY SOO SAARTAY DALLADA NAKADSA

Ururka NAKADSA oo Baaq u Diraya Dowlada Federaalka oo la xiriiro Xuska SYL War Murtiyeed Iyadoo aan ku da jirno toddobaadka dabaal degge 72 guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka gobonnimo doonka ee dallinyarad Soomaaliyeed ee SYL (15-kii May 1943-dii oo lagu madliyay xusida kalinta dhalintii dhiiggooda iyo naftooda u huray dib helista madax banaannida ummada Somaliyeed ayaa Ururuka NAKADSA oo ah madal ay ku mideysanyihiin ku dhaawaad 5000 oo dhallinyaro aqoonyahnna ah oo tacliin ku bahoobay waxa uu farxadda iyo hambalyada la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed isagoo dhinaca kalana la wadaagaya dhibaatooyinka iyo xaaladdaha qallafsan ee ay ku noolyihin dad dad badan oo Soomaaliyeed. Dhalinyarda Somaliyeed waxay ay muddadii 24-ka sano ahayd ee la soo dhafay la gkulmeen xad gudubyo baahsan, oo loo adeegsaday dagaallada sokeeye iyo fulinta dana gaar ah oo gurracan. Hadaba munasabadda SYL awgeed waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dowladda Federaalka ah, Hay’addaha caalamiga ah, hay’addaha wadaniga ah, Ganacsatada iyo dhamman Ummada Somaliyeed qoddobbada soo socda: In loo istaago sidii loo beddeli lahaa wajiga xun ee lala xiriiriyay dhallinyarada, kuwooda wali dhibka ku lugta lehna laga caawiyo sidii ay bulshada dib ugu biiri lahaayen iyagoo ka qayb qaadanaya horumark. Dhallinyradu aa lafdhabraka dalka iyo mustqabalka qaranimada sida daraddeed waa in lagu taageeraa dhalinyarda si ay kaalintooda u qaadan lahaayeen. • In dhalinyardalagu dhiiri geliyo Waxbarashada lana furo Xarumo wax barasho ama farsamo si ay nolashooda u kasbadaan. • In dhallinta Soomaaliyeed loo furo min tuulo ilaa gobol goobo xirfaddo iyo dakhli abuur ah, si ay uga qay qataan amaanka iyo babaadada wadanka isla markaasna u kobciyaan ilaha dhaqaale ee wadanka loona yareeyo dhibatoyinka xagga tahriibka. • In dowladdu ay soo dajdajiso siyaasadda lagu hagayo dhalinyaradaSoomaaliyeed si ay ummaddaha caalamka ula jaanqaadaan. • In dhalinta waddanka wax ku baratay la siiyaa tixgelin gaar ah xaggashaqadda hay’addaha dowladda iyo kuwo aan dowliga ahayn. • In dhallinyarda lagu hayo xabsiyda loo furaa fursado waxbarsho si ay uga soo baxaan ayagoo isbaddal wanaagsan ku dhacaymaskaxdooda iyo fekerkooda. • In dowldda ay xakamayso dhibatada mukhaadaraadka lana taageero dadaallada wacyi galinta ah ee looga so horjeedo qaadka iyo waxa lamidka ah taasoo ka mid ah dhibaatooyinka ugu wayn eemaanta haysta dhallinyarda isla markaasna ay tahay dhibaatodhiirri galisa amaan darrada. Ugu dambeyn waxaan dhaallinyarda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay dib u soo nooleeyaan dadaalladdii SYL ayna ka shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed Sanad guuro wanaagsan. Gudoomiye-Ku-Xigeenka NAKADSA Marwo: Zamzam Daahir Maxamuud

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply