Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July 19 (Ceegaag)— War murtiyeed ka kooban afar qodob ayaa laga soo saaray shirkii maalmihii la soo dhaafay ku dhex maray magaalada Garowe Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Shirkan oo labo maalmood socday ayaa qodobada qaar ee looga hadlayay ahaa kuwo la isku mari waayay, waxaana Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay ka soo hor-jeesteen qodobo uu hor-dhigay Ra’iisul Wasaaraha.
Inkastoo shalay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas u ambabaxay dalka Kenya, xilli Ra’iisul Wasaaraha uu Garowe ku sugnaa ayaa Mr Gaas uu sheegay inuu miro dhalay wada hadaladaas mid mira dhal noqday.
Afarta qodob ee War murtiyeedka laga soo saaray ayaanay ku jirin qodobadii la isku mari waayay ee kala ahaa inay aqoonsadaan Maamulka Galmudug iyo Guddiyadii qaranka ahaa ee uu Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay.
Puntland ayaa horay u qaadacday maamulka Galmudug, waxaana muuqata in wali go’aankaas uu halkeedi yahay, maadaama war murtiyeedka shirka laga soo saaray ee lagu heshiiyay aanu qodobkaas ku jirin, kadib markii horay uga soo horjeestay dastuurka maamulkaas ee qeexayay xuduuda uu yeelanayo inay tahay Gobolka Nugaal.
Qodobada war murtiyeedka ku jiray ayaa waxaa ka mid ahaa in laga shaqeeyo Midnimada Soomaaliya, in la ilaaliyo dastuurka, Maamul goboleedyada la shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo in Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed.
Hadaba halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka laga soo saaray shirka:-
1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya;
Waxay isku raaceen ra’sul wasaaraaha dowladda Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Somalia, isla markaana Wax kasta oo la Qabanayo loo maro sida uu Qabo Dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.
2. Midnimada Umadda Soomaaliyeed;
Waxay sidookale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee Soomaaliya meelna looga soo Wadajeesto cid kasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
3. Xiriirka Dawladda Federaalka Somalia & Maamullada Xubnaha ka ah;
Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.
4. Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed;
Waxay ku baaqeen ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.
Figradihiina