Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Brussels ee wadanka Belgium ayaa lagu qabtay shir Saxaafadeed ay isugu yimaden Aqonyahano iyo dhamaan waxgarad kasoo jeeda deeganada Sool iyo weliba Degmada Awr bogays.
Kulankan oo lagu taageerayay hadalkii Garaad Saleban Garad Maxamud, laguna cambaareeyay kuwii been abuurka kasameeyay degaanka awrbogays, ayaa lagu sheegay inaan lamarin habaabin dadka halkaa kunool layskuna dayin in ladhexdhigo colaad iyo kala shaki taasoo indhawaydba aywadeen dad aanan jeclayn horumarka iyo midnimada umada somaliyed qaasatan shacab waynaha kunool Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxaa kaloo kadhex muuqday goobta shirkan uu kasoconayay Gudomiyaha Jaliyada Khatumo ee wadanka Belgium Mudane Maxamed Cige oo sidookale taageero udiray Garaad saleban islamarkaana Cambaareeyay dadka doonaya inay colaada dhexdhigaan dadkaa walaalaha ah, Reer Awrbogaysna wuxuu ugu baaqay inay gacmaha isqabsadan iskana gartaan cadowgooda kan guud iyo midka gaar ahaaneedba , tusaale waxaa inoogu filan colaadii lagadhex abuuray qabaa ilada degan Koonfurta Sool ee walaalaha ah Bahararsame iyo Cabdi Garaad yaanan marba shaar laydiin soo xiran.
Figradihiina