Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wararkii Ugu Dambeeyey ee Kulamadii Addis Ababa iyo Dowladda Soomaaliya oo ka Cagajiidaysa Saxiixa heshiiskii ay la Gashay Dowlad Goboleedka Jubba Land

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia ayaa waxay soo sheegaayaan in is mariwaa adag uu ka taagan yahay madasha uu ka socdo kulanka u dhexeeya Dowladda fedraalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubba Land.

Wararkii ugu dambeeyey oo xalay gelinkii dambe naga soo gaaray Addis Ababa ayaa waxay qeexaayaan in ay mar kale dib u dhacday saxiixidda qodobada la isku afgartay shirkii jimcadda kadib markii dhanka Dowladda lagu eedeeyey in ay ka caga jiidayso saxiixa qodobadii horay la isugu afgartay taasi oo keentay in ay meel adag gaaraan wada hadaladda Addis Ababa.

Inkastoo warar soo baxaayey saacadahii dambe ee habeenkii xalay, ay sheegaayeen in Dowladdu ka tanaasushay qaar kamid ah qodobadii ay ku dheganayd ayaa hadana waxaan jirin wax talaabo ah oo ilaa iyo iminka horay loo qaaday, isla wararka ayaa sheegaaya in ay weli taagan yihiin qodobo caqabad ku noqon kara wada hadalada kuwaasi oo ka imaanaaya dhanka Dowladda.

Heshiiskii hordhaca ahaa ee ay gaareen labada dhinac habeenkii jimcada ayaa waxaa lagu waday in ay sabtidii saxiixaan labada dhinac, hase yeeshee taasi ma dhicin, waxayna ka suurgeli wayday dhanka Dowladda sida ay Ceegaag Online ay u xaqiijiyeen xubno ka madax banaan labada dhinac.

Xubnahaasi ayaa inoo sheegay in guddiyada korjoogtada ka ah kulanka Addis Ababa ay qireen in Dowladda Soomaaliya ay ka caga jiidayso dhamaystirka heshiiska labada dhinac ee Dowladda iyo Jubba Land.

Dalabaadka adag ee ka yimid dhanka Dowladda isla markaana sababay in wada hadaladu meel sare gaaraan ayaa waxaa kamid ah in la bedello Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubba Land Gen Fartaag, hase yeeshee ergada metelaysa Jubba Land ayaa arrintaasi aaf ugu gacansayray.

Dhanka kale galabnimadii Sabtida ee shalay ayaa waxaa isla magaalada Addis Ababa ku kulmay wasirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fedraalka Ethiopia iyo Madaxweynaha Jubba Land Sheekh Axmed Maxamed Ismaam (Axmed Madoobe).

Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah wakiilada Midowga Yurub ee Africa waxayna hoosta xariiqeen in dhamaystirka wada hadalada Addis Ababa uga socda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Lannd ay ku xiran tahay ka qaybgalka shirka dhowaan ka dhici doona xarunta Midowga Yurub ee Baraasalis.

Dhinacyada goobjooga ka ah kulamada ka socda Addis Ababa oo ay kamid yihiin urur Goboleedka IGAD, ururka Midowga Yurub, Ururka Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo diblumaasiyiin kale oo caalami ah ayaa waxay caddaadis ku saaraayaan Dowladda Soomaaliya in ay joojiso cagajiidka isla markaana ay si rasmi ah qalinka ugu duugto heshiiska ay la gashay Dowlad goboleedka Jubba Land.

Sikastaba, natiijada laga filan karo wada hadalada Addis Ababa maaha mid fadhida isla markaana la isku halayn karo maadaama saacadba saacadda ka dambaysay wararka kasoo baxaaya addis Ababa ay yihiin kuwo muujinaaya farqi weli u dhexeeya labada dhinac.

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag