Wararkii ugu danbeeyey ee Xaalada Degmada Xudun oo dagaal saaka ka dhacay iyo Wasiir Kuxigeen katirsan Maamulka Khaatumo oo Caawa ka Hadlay
Wararkii ugu danbeeyey ee Caawa Ceegaag.com ka Helayso Degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa ku soo Waramaya in Xaalada Degmadaasi Caawa tahay Mid aad u degan kadib Markii Saaka Duleedka Magaalada Xundun uu dagaal Mudo kooban socday oo aan gaysan Wax khasaara ah uu Ku dhexmaray Ciidamo KalaTaabacsan Maamul Somaliland iyo Khaatumo Duleedka Degmada Xudun.
Dhagayso Waraysiga Waraysi Wasiikuxigeenka arimaha Bulshada ee Khaatumo
Maamulka Khaatumo ayaa sheegay inay Khasaaro dagaalkaasi ku gaadhsiiyeen Ciidamada Maamulka Somaliland oo Gawaadhi dagaal ay ka Gubeen Sida uu Caawa Ceegaag.com u sheegay Wasiirku Xigeenka Wasaarada arimaha Bulshada ee Maamulka Khaatumo C/fataax Cisman Dhalac, Waxaana Kaloo uu Qiray in askari katirsan Ciimada Maamulka khaatumo uu dagaalkaasi ku Dhaawacmay.
Dhinaca Kale Maamulka Somaliland oo dagaalkaasi ka hadlaya ayaa dhinacooda Meesha ka saaray in Wax dagaal ahi aanu ka Dhici Deegaanka Xundun Balse is rasaasay ay Dhexmartay Ciidamadooda iyo Kuwa Khaatumo oo iyagu Difaac kaga jira Duleedka Magaalada Xundun, Waraysi Wasiirkaasi oo Dhinacyo badan Taabanaya Hoos ka Dhagayso.
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
Figradihiina