Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka naga soo gaaraya Xaafada Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay xalay xaafadaasi ku dileen nin ganacsade ahaa oo Magaalada ku noolaa.
Dilkaan loo geystay Ninka Ganacsadaha ah ayaa wuxuu ka dhacay xaafada Vi Afmadoow, gaar ahaan halka loo yaqaan geed kaama Dambeeyo, sida uu xaqiijiyay qof kamid ah dadka ku dhawaa goobta uu dilaka ka dhacay.
Ninka la dilay oo ahaa nin ka shaqeeya Qaadka, ayaa waxaa dilkiisa ka dambeyay labo nin oo Qoryo AK-47 wata, kuwaasi oo rasaas la dhacay, xilli ninkaasi uu kuguda jiray uruurinta lacago dad uu ku lahaa.
Magaciisa waxaa lagu soo koobay Maxamed, lamana oga sababta ka dambeysay dilka loo geystay ninkaasi, waxaana sidoo kale aan la ogeyn raga dilay iyo waxa ay ahaayeen.
Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay sameeyeen howlgalo lagu baadigoobayo cidii ka dambeysay dilka loo geystay ninkaasi ganacsadaha ahaa ayadoo la soo qabqabtay dad loo malaynayo in ay danbeyeen dilka ganacasadahan.
Xaafada Via Afmadoow ee Degmada Kismaayo waxaa ka dhaca dilalka ugu badan ee Kismaayo ka dhaca, xilli saraakiisha maamulka Jubba ay sheegayaan inay waxbadan ka qabanayaan ammaanka Magaalada xeebta leh ee Kismaayo.
Ceegaag Online.
Figradihiina